Muqdisho, Doorasho taariikhi ah oo muddo soo jiitamaysay ayaa maanta ka dhacdey Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, taasi oo ay ku tartamayeen musharaxiin gaareysa 36 qof oo ku loolamayey xilka madaxweynaha JFS iyadoo uu ku guuleystey wareegii 3-aad Xasan Sheekh Maxamuud oo markale loo doortey madaxweynaha JFS helayna codad gaaraya 214 cod, halka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadey uu ka helay 110 cod.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa isla goobtii doorashadu ka dhacday ku dhaariyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afarta sano ee socota talada hayn doona.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadda dhaarinta, ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isagoo u rajeeyey inuu Alle la garabgalo masuuliyadda culus ee loo ikmadey.
Xasan Sheekh Maxamuud oo dhankiisa isna hadal kooban jeediyey ayaa u mahadceliyey madaxweynihii isaga ka horeeyey, waxa uuna sidoo kale u hambalyeeyey guddiga doorashada oo uu sheegay in shaqadii loo igmadey ay kasoo baxeen. Waxa uu sidoo kale u hambalyeeyey guddoonka labada aqal iyo ra’isalwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xukuumaddiisa oo xilwayn iska saarey in guul ay kusoo dhammaato doorashada.
Dabbaaldagyo ayaa durbo magaalada Muqdisho ka billaabmay, kuwaasi oo ay isugu soo baxeen shacab aad u tiro badan halka ciidamadu cirka u ridayeen rasaas xoog leh oo daryankeeda magaalada oo idil laga wada maqlayay.
Doorashada ayaa ahayd mid si aad ah loogu loolamay oo la isla gaarey wareegii 3aad. wareegii 1aad ee doorashada ayaa waxaa ka gudbey 4 musharax uu ugudbey wareega 2aad kuwaasi oo kala ahaa
1. Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 65 cod.
2. Maxamed Cabdullaahi Farmaaji 59 cod.
3. Xassan Sheekh Maxamuud 52cod.
4. Xasan Cali Khayre 48 cod.
Wareegii 2aad ayaa waxa ka gudbay labada musharax ee kala ah Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 110 cod iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 83 cod.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilkan hore u soo qabtay ayaa waxa uu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya laba jeer xukunka qabta.
Maxamed Cumar Aden
Wardheernews, Muqdisho
Leave a Reply