Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale loo doortay madaxweynaha J.F. Soomaaliya

Muqdisho, Doorasho taariikhi ah oo muddo soo jiitamaysay ayaa maanta ka dhacdey Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, taasi oo ay ku tartamayeen musharaxiin gaareysa 36 qof oo ku loolamayey xilka madaxweynaha JFS iyadoo uu ku guuleystey  wareegii 3-aad Xasan Sheekh Maxamuud oo markale loo doortey madaxweynaha JFS helayna codad gaaraya 214 cod, halka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadey uu ka helay 110 cod.

Madaxweyne Xasan Sheekh

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare  Baashe Yuusuf Axmed ayaa isla goobtii doorashadu ka dhacday ku dhaariyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afarta sano ee socota talada hayn doona.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadda dhaarinta, ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isagoo u rajeeyey inuu Alle la garabgalo masuuliyadda culus ee loo ikmadey.

Xasan Sheekh Maxamuud oo dhankiisa isna hadal kooban jeediyey ayaa u mahadceliyey madaxweynihii isaga ka horeeyey, waxa uuna sidoo kale u hambalyeeyey guddiga doorashada oo uu sheegay in shaqadii loo igmadey ay kasoo baxeen. Waxa uu sidoo kale u hambalyeeyey guddoonka labada aqal iyo ra’isalwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xukuumaddiisa oo xilwayn iska saarey in guul ay kusoo dhammaato doorashada.

Dabbaaldagyo ayaa durbo magaalada Muqdisho ka billaabmay, kuwaasi oo ay isugu soo baxeen shacab aad u tiro badan halka ciidamadu cirka u ridayeen rasaas xoog leh oo daryankeeda magaalada oo idil laga wada maqlayay.

Doorashada ayaa ahayd mid si aad ah loogu loolamay oo la isla gaarey wareegii 3aad. wareegii 1aad ee doorashada ayaa waxaa ka gudbey 4 musharax uu ugudbey wareega 2aad kuwaasi oo kala ahaa

1. Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 65 cod.

2. Maxamed Cabdullaahi Farmaaji 59 cod.

3. Xassan Sheekh Maxamuud 52cod.

4. Xasan Cali Khayre 48 cod.

Wareegii 2aad ayaa waxa ka gudbay labada musharax ee kala ah Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 110 cod iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 83 cod.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilkan hore u soo qabtay ayaa waxa uu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya laba jeer xukunka qabta.

Maxamed Cumar Aden

Wardheernews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.