Muqdisho (WDN)- War lagu kalsoon ayhay oo soo gaadhay wardheerNews, ayaa sheegaya in Wasiirkii Amniga ee Jubbaland Md. Cabdirashiid Xasan Janan, lagu xidhay Garoonka Diyaaraddaha ee Muqdisho. Wasiirka ayaa la sheegay in uu ku gudajiray safar dalka Itoobiya ah.
Md. Cabdirashiid ayaa la sheegay in uu ka yimid magaalada Doolow, isaga oo u sii jeeday magaalada Addis Ababa, ee caasimadda Itoobiya.
Waxa xusid mudan in Wasiir Cabdirashiid Janan dhawaan bishii June ee sandkan 2019, uu booqday magaalada Muqdisho, halkaasi oo si wacan loogu soo dhaweeyay, islamarkaana aanu kala kulmin wax dacwad ama xidhig ah dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warar ay horey u heshay WardheerNews, ayaa sheegay in booqashadaasi u dambeysay ee Wasiir Cabdirashiid ku tagey Muqdisho bishii June, lagu wargeliyay in uu taageero ol’ole ka dhan ahaa dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Md. Axmed Isaan Madoobe.
Haddaba xidhitaanka Md. Cabdirashiid ayaa la xidhiidha in uusan fulin codsigii DFS, ee ka dhanka ahaa Axmed Madoobe. Arinkaasi ayaana lagu sababaynayaa xabsiga Wasiirka Amniga ee Jubbaland.
Waxaa iyna xusid mudan in ay jireen dacwado horey xafiiska xeer ilaalliyaha guud, uu ku soo oogay Wasiirka Aminga ee Jubbaland oo la xiriirtay maxaabiis lagu dilay degmada Doolow ee gobolka Gedo. Hase yeeshee ka gadaal ay maxkamadda Gobolka Banaadir laashay dacwaddaas 30-kii April 2019, kadib markii ay ka noqotay xeer ilaalinta guud ee qaranku.
Xadhiga wasiirka ayaa waxa uu imanayaa iyadoo dhawaanahan meel aad u xun uu gaadhay xidhiidhka dawladda federaalka iyo Jubbaland ka dib faragelintii ay ku samaysay DF doorashooyinkii ka dhacday Jubbaland iyadoo islamrkaana waxba kama jiraan ka soo qaadday natiijadii dooraashadii dib loogu dooratay madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Md. Axmed Madoobe.
WardheerNews
Leave a Reply