Beesha caalamku su’aal ma gelin kalsoonida iyo aqoonsiga natiijada doorashooyinka Jubbaland

Beesha caalamku su’aal ma gelin kalsoonida iyo aqoonsiga natiijada doorashooyinka Jubbaland

Muqdisho ( WDN)- Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhaya beesha caalamka (Xalane iyo Nayroobi) iyo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in UNSOM, iyo qaar ka mid ah dalalka arrimaha  Soomaalida aad u daneeya  ay u caddeeyeen Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha, in waraaqdii uu shalay uu u soo diray Ambassador James Swan aanay ahayn sida loo fahmay.

Sida wararku na soo gaadhayaa ay sheegayaan waxa ay u guddiga xaqiijiyeen in aanay marnaba su’aal gelin iyagu kalsoonida iyo aqoonsiga natiijada doorashooyinka Madaxweynaha iyo Barlamaanka Jubbaland, balse ay ujeedadoodu ahayd in la isu soo dhaweeyo is fahamka Jubbaland iyo tabashada ay qabto Dawladda Federaalka iyo qaar ka mid dadka musharax doonka ah.

Arrintan ayaa ka dambaysay ka dib markii uu maanta guddomiyaha guddigu u diray waraaq uu kaga jawaabayo, tii uu shalay ka helay Ambassador James Swan. Waraaqdaas oo uu ku xusay guddoomiyuhu sida ay aad ugu dedalaaleen una tix geliyeen soo jeedimihii iyo codsiyadii hore ee ay u soo gudbiyeen beesha caalamku. Kuwaas oo uu ka xusay illaa 7 qodob.

Waxa kale oo warqaddaas loogu caddeeyay Ambasaador Swan in hadda la soo gaadhay xilli aan dib loo dhigi karin doorashada ayna ku dhacayso muddadii ay hore u cayimeen oo ku aaddan bishan 22 keeda.

Ugu damabayn waxa uu guddoomiye Xamse dhaliilay qaabka ay u qornayd waraaqda Ambassador Swan oo uu ku tilmaamay in aanay lahayn anshax dublamaasiyadeed, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in raalli gelin ka siiyaan shacabka iyo dawladda Jubbaland.  

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.