Guddoomiyaha Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) Md. Maxamed Cumar Cismaan iyo wafti uu hoggaaminayay ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay caasimadda Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga.
Waftiga oo ka soo kicitimay magaalada Addis Ababa oo ay shalay yimaadeen ayaa dadweyne aad u tiro badan oo sita calanka ONLF kaga hortegeen Gegida Diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga.
Guddoomiyaha iyo waftigiisa oo uu wehelinayo madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ayaa isla maanta ka qaybgalay kulan ballaadhan oo lagu qabtay Garoonka Kubbadda Cagta ee magaalada Jigjiga.
Guddoomiyaha oo goobtaas kula hadlayay kumanaan dadweyne ah ayaa sheegay sida uu ugu faraxsanyahay ku soonoqoshada dalkiisa isagoo islamarkaana xusay halgankii dheeraa ee ay shacabka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysataa u soo galeen sidii ay aayahooda uga tashan lahaayeen. Waxaa kale oo uu guddoomiyuhu goobta mahadnaq uga soo jeediyay waddamadii iyo Ururadii taageerada la garab taagnaa muddadii dheerayd ee ay halganka ku jireen.
Md. Maxmaed Cumar Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in aanu weli halgankii dhammaan balse loo gudbay marxalad kale oo ay rabaan in ay si nabadgelyo ah xuquuqdooda ku helaan, waxaanu shacabka ugu baaqay in ay u middobaan sidii xaqooda u hanan lahaayeen.
Soo dhaweynta aan loo kala hadhin ee ay shacabka Jigjiga ku qaabileen madaxda ONLF ayaa muujinaysa shacbiyadda iyo taageerada uu Ururku ku dhex leeyahay Shacabka Soomaaliyeed ee xukunka Itoobiya ku hoos jira.
Imaanshiiyaha dalka ee madaxda ONLF ayaa ka dambeysay isbeddelkii siyaasadeeed ee ka dhacay dalka Itoobiya iyo heshiiskii ay dhawaan kala saxiixdeen labada dhinac.
Guddoomiyaha ayaa la filayaa inuu socdaal ku kala bixin doono gobollada iyo degmooyinka kala geddisan ee deegaanka Soomaalida.
WardheerNews
Leave a Reply