Shariif Xasan oo iska casililay xilkii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed

Shariif Xasan oo iska casililay xilkii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed

Baydhabo (WDN)- Wararka WardheerNews ka soo gaadhaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in Madaxeynihii KGS Md. Sharif Xasan Sh. Aadan, uu is casilay.

Md. Shariif Xasan Sh. Aadan

Shariifka oo shir degdega galabta ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in uu ka fadhiistay xilka Madaxtinimada KGS, islamarkaana aanu u tartami doonin xilkaas markale.

Md. Shariff Xasan ayaa sheegay in inta laga gaadhayo doorasho xaq ah, oo ka madax banaan faragelin iyo saameyn dad kaleeto, uu xilka Madaxtinimada si  kumeel gaadh ah u sii heyn doona Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Md. Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna.

Golaha Wasiiraddiisii ayuu ka codsaday in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha KMG inta doorashada laga gaadhayo. Waxaa sidoo kale iska casilay xilkii Af hayeenka Golaha Iskaashiga Maamul Gobleedyadda Soomaaliya, Wasiirkii Warfaafinta KGS,oo xilkaas u hayay Golaha Iskaashiga.

Shariif Xasan oo ku soo dhex jiray muddo dheer siyaasadda Soomaaliya tan iyo burburkii Dowladda Dhexe, islamarkaana xeel dheer u leh maareeynt xiisadaha iyo duruufaha adage ee siyaasadad Soomaaliya, ayaa dad badan oo u kuur gala arimaha Soomaaliya uu arrinkani ku noqday lama filaan.

Wali ma cadda qorshaha siyaasaddeed ee Shariif Xasan iyo waxa uu maagan yahay mustaqbalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaanahan culeys xooggan ku heysay Md. Shariif Xasan, sidii markaasi xukunka looga tuuri lahaa.

Maamulka Farmaajo ayaa dhawaan xildhibaano ka tirsan KGS oo gaadhaya 120 ugu yeedhay Muqdisho, si loo siiyo lacago laaluush ah, oo lagu maareeyo doorashooyinka KGS, si ay markaasi u doortaan ama u taageeraan musharax ay wadato Villa Soomaaliya, oo ah wasiirka Tamarta iyo Biyaha ee DFS.

Arimaha doorshooyink KGS oo aad u cakiran, waxaanu wixii soo kordha idinkula socodsiin donaa wararka dambe hadii Eebe idmo.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.