Baydhabo (WDN)- Warar xogxoggaal ah oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in Madaxwenaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Md.Shariff Xasan Sh. Aadan, uusan u tartami doonin doorashada madaxtinimada Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed oo lagu wado in ay qabsoonto bishan Noofember 17, 2018
Dad aad ugu dhow xafiiska Madaxtooyada Koonfur Galbeed, oo ay la xidhiidhay WardheerNews, ayaa u xaqiijiyay in Madaxweyne Shariif uu xusay in kadib markuu arkay qaabka ay wax u socdaan, faragelinta iyo culeyska ay DFS ku hayso KGS, in uu go’aansaday in aanu ka qeyb gelin doorashada.
Madaxweyne Shariif ayaa lagu wadaa in uu saxaafadda la hadlo beri subaxii, isaga oo ka hadli doona go’aankiisa ku aadan doorashooyinka KGS.
Shariif Xasan oo ku soo dhex jiray muddo dheer siyaasadda Soomaaliya tan iyo burburkii Dowladda Dhexe, islamarkaana xeel dheer u leh maareeynt xiisadaha iyo duruufaha adage ee siyaasadad Soomaaliya, ayaa dad badan oo u kuur gala arimaha Soomaaliya uu arrinkani ku noqday lama filaan.
Shariif Xasan ayaa dhawaan gaadhsiiyay dacwad wakiilka QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya, taasi oo ka dhan ah faragelinta DFS ay ku wado sidii Sharif Xasan looga tuuri lahaa madaxtinimada KGS,
Dhanka kale xubno ka mid ah guddida doorasha maamulka KG, oo uu ku jiro guddoomiyihii guddidaasi Md. Carfo Ibraahim Aadan ayaa shaaciyay in ay iska casileen ka mid ahaanshihii guddidaas iyagoo arrintaas sabab uga dhigay faragalin ay sheegeen in dawladda Federaalka Soomaaliya ku hayso darteed ay u gudan kari waayeen mas’uuliyaddoodi.
Arrinta iscasilaadda xubnaha guddida doorashada ayaa laga cabsi qabaa in ay dibudhac iyo khalkhal ku keento hannaanka geeddisocodka doorashada madaxtinimada ee maamulka Koonfur Galbeed.
Maamulka Farmaajo ayaa isagu xildhibaano ka tirsan KGS oo gaadhaya 120 ugu yeedhay Muqdisho, si ay ula yeelato wadatashi la xidhiidha arrimaha doorashooyinka madaxtinimo ee Maamulka Koonfur Galbeed, si ay doortaan ama u taageeraan musharax ay wadato Villa Soomaaliya.
Xildhabaanadaasi ayaa la filayaa in la siiyo abaal marin lacageed, haddii ay codkooda siiyaan Villa Soomaaliya cida ay wadato.
Arimaha doorshooyink KGS oo aad u cakiran, waxaanu wixii soo kordha idinkula socodsiin donaa wararka dambe hadii Eebe idmo.
WardheerNews
Leave a Reply