Muqdisho (WDN)- Warar isa soo taraya oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Agaasime Xigeenka Sirdoonka Soomaaliya Md. Fahad Yaasiin, ay wadaan qorshe xubnaha Golaha Wasiiradda DFS loogu rogeyo ama lagaga dhigayo dhamaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.
Md. Kheyre iyo Fahad ayaa ku howlan cadaadis xooggan oo ay saareen xubnaha golaha Wasiiradda ee aan aheyn xildhibaanada.
Golaha Wasiiradda oo ka kooban guud ahaan 65 isugu jira Wasiiro, Wasiiro Dowlo iyo Wasiir Xigeeno, ayaa 48 xubnood yihiin xildhibaano. Taasi oo ka dhigyesa Wasiiradda in ka badan 70% ay yihiin xildhibaano.
Haddaba iyadoo DFS qorshehaasi ka duuleysa, ayaa Md. Jamaal Maxamed Xasan oo ah Wasiirka Qorsheyta iyo Iskaashiga Caalamiga, warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in uu iibsaday jago- xubin ka tirsan xildhibaanada Golaha Shacabka oo ay isku beel yihiin. Xildhibaankaasi oo magaciisa lagu sheegay Dhahar Cali Faarah, ayaa iska casiley xilkii Golaha Shacaka.
Md. Jamaal ayaa lagu soo waramayaa in uu baxshay lacag dhan $300,000, iyo gaadhi cusub. Iyada oo lacag dhan $ 100,000 hordhac ahaan loo siiyay xildhibaanka jagada laga gadanayo.
Kharaska lacagta iyo gaadhiga, ayaa warar xog-ogaal ahi sheegayaan in ay bixisay shirkad uu wasiirku siiyay qandaraas, qaab aan loo marin wax tartan ah, oo sharciga baal marsan.
Is casilaada Xildhibaan Dhahar ayaa la sheegay sida ku xusan warqad ka soo baxday Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka. Warqadaasi ka soo baxday guddiga Doorashooyinak oo soo gaadhay WardheerNews ayaa u qorneyd sidan hoos ku xusan.
———————
WardheerNews
Leave a Reply