Wafdi ka socda Dawladda Qatar Oo Qiimayn Ku Sameynaya Dekadaha Soomaaliya Ayaa la Kulmay Ra’iisul Wasaare Khayre

Muqdisho, –Wafdi ka socda dawladda Qatar oo maanta soo gaaray Caasimmadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuummada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen horumarinta dekadaha Soomaaliya.

Wadfi ka socda Dawladda Qatar Oo Qiimayn Ku Sameynaya Dekadaha Soomaaliya

Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac oo kulanka qeyb ka aheyd ayaa sheegay in ujeedka wafdiga ay aheyd in daraasad iyo kormeer ay ku sameeyaan dekada Soomaaliya si loo ogaado dekadaha dayactirka u baahan iyo dekadaha Dhismaha cusub lagu sameynayo.

Wasiir Maryan ayaa sheegtay in booqashada wafdiga Qatar uu ku yimid Muqdisho ay fursad wanaagan oo dhanka shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaalaha ah u tahay ummadda Soomaaliyeed, loona baahanyahay in looga faa’iideeyo.

Booqashada Wafdiga Qatar ka socda ay ku yimaadeen Muqdisho ayaa ka dambaysay booqashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi la socday ay ku tageen magaalada Dooxa halkaas oo leeskula soo af-gartay
in la fuliyo Mashruucyo dhawr ah oo khuseeya dekadaha Soomaaliya .

Wafdiga ka socda dawladda Qatar ayaa inta ay joogaan dalka waxa ay booqashooyin ku tagi doonaan maamul goboleedyada dalka si ay u tagaan dekadaha ay qiimeynta ku sameynayaan.

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published.