Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday howlgalka tababarka ciidamada midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM), kaas oo loo so wareejiyay magaalada Muqdisho maanta.
Waxaa Seddexdii sano ee la soo dhaafay Midowga Yurub u soo tababareen ciidan gaaraaya ilaa 3,000 oo askari kuwaasi oo uu madaxweynuhu sheegay inay ka mid yihiin kuwooda ugu awoodda badan ee ka mid ah ciidamada la dagaallamay kooxda al-Shabaab.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa xusay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub in uu yahay mid wanagsan.
“Waxeey nagala qeyb qadanaayan dib u dhiska ciidan qaran oo matala dhamaan bulshadda qeybaheeda kala duwan, Ciidan tababar fiican leh oo asluub iyo akhlaaq leh oo sidoo kalena dhowro xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Md. Xasan Sheekh.
Hadalkiisa isagoo wata, ayuu madaxweynuhu wuxuu yiri “Si kalsooni leh ayaan ugu mahad celinayaa dadaalka ay wadaan Midowga Yurub oo ku aadan tabarka ay siinayaan ciidanka Xooga dalka. Waxaana diyaar u ah in ay la shaqeeyaan Wasiirka Gashaandhiga iyo taliyayaasha Ciidanka Xoogga Dalka”
Saraakiil Midowga Yurub ka tirsan, ayaa iyaguna sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya.
Howl-galka midowga Yurub ee tababarka ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa xarruntooda aheyd dalka Yugandha, iyadoo ciidamada Soomaaliyeedna badankood waddankaasi lagu soo tababari jirey.
Dhanka kale , Isgoyska Kaasa Bobalaara degmada Hodon ee gobalka Banaadir, ayaa waxa lagu dilay Cartan Sheekh Doon, oo ka mid ahaa nabaddoonada Soomaaliyeed, kadib gaarigii uu la socday markii loo galiyay walxaha qarxa dabeedna, uu kula qarxay meel u dhow Isgoyska Kaasa Bobballaare.
Shabaab, ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan dilkaasi.
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews.com
Muqdisho, Soomaaliya
Leave a Reply