…Dacawoo naxdin gariiraysa ayaa qaybintii bilowday; ‘hilbaha ma badh mise badh, badh Boqorow adigaa leh…’ way sii wadday; badhka hadhayna ma waax mise waax, wax Libaaxow adaa leh…
Waaxda kalena ma falladh mise falladh, falladh Boqorow adaa leh….. Faladhka soo hadhayna ma rimic mise rimic…Rimica soo hadhayna ma miil mise miil …
Haddaba sheekadaas iyo kuwo kaleba waxay ku jiraan dhiganaha cusub “Ma Dherge Dhurwaa” oo ka mid ah Taxanaha Ardaa ayna soosaartay Galool, diyaarisayna Marwo Saynab Aadan Jaamac.
Waa sheeko carruureedka hiddaheena oo ku qoran afkeenna hooyo laguna xardhay sawirro-gacmeed aad kuu soo jiidanaya.
Uga faa’idee ubadkaaga oo ku anqari sheeko xariirooyinka aynu hiddaha u leenahay oo ku qoran afkooda hooyo.
Buuggani waa agab kaa caawinaya sidii aad ubadkaaga u bari lahayd afkooda iyo dhaqankooda siiba kuwa ku dhaqan qurbaha.
Waxaad ka dalban kartaa buuggan Amazon.co.uk adigoo ku helaya qiimo jaban oo ku raalligelin doona.
Haddaba ha moogaan ee ka dalbo Amazon.co.uk
Leave a Reply