Muqdisho oo Caawa u Muuqata Meel Bandoo ah

Muqdisho oo Caawa u Muuqata Meel Bandoo ah

muqMuqdisho, Abril 30, 2013 (WDN)- Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa caawa u muuqata magaala bandow ah iyadoo dadka magaalada ku dhaqanna ay goor hore guryahooda  ku kala xaroodeen, kadib howl gallo adag oo ay maanta magaalada ka sameeyeen ciiddamada  dowladda Soomaaliya.

Saaka, subaxnimadii hore ayay dadka reer Muqdisho  ku soo tooseen iyadoo waddooyinka caasimaddu ay inta badan xiran yihiin, meel kastana ay  ciiddamo  gaadiidka iyo dadweynahaba baarayaa joogaan, halka waddooyinka qaarkoodna gaadiidkaba loo diidana inay isticmaalaan.

Wararka aan rasmiga ahayn ee  soo baxaya, ayaa sheegaya in hawlagalladani ay ka dambeeyeen iyadoo laga cabsi qabo in koox diineedka xagjirka ah ee Al-Shabaab ay maleegayaan weeraroo isugu jira qaraxyo iyo weerarro toos ah, oo ay ka fuliyaan  goobaha muhiimka ah ee caasimadda ku yaalla, iyaga oo ku soo beegaya dhammaadka bishan ilaa  Bisha May kowdeeda oo  ku beegan xilligii ay Mareykanku ay khaarijiyeen Aadan Xaashi Ceyrow, oo ahaa hoggaamiyihii hore ee ururka al-Shabaab oo shan sano ka hor lagu dilay magaalada Dhuusa-mareeb, iyo sidoo kale  dilkii Usama Binu Laden, oo laba sano ka hor isna Bakistan lagu dilay.

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Md. C/kariin Xuseen Guuleed, oo saxaafaddu wax ka weydiisay arinta la xariirta waddooyinka maanta la xiray, ayaa waxa uu ku soo koobay in ay aheyd howl-galladii caadiga ahaa ee ammaanka lagu sugayay.

Saraakiisha amniga qaarkoor, ayaa sheegay in howl galladii maanta lagu soo xir xirey tiro dad ah oo looga shakisan yahay inay weerrarada wax ka maleegayeen.

Waxa ay maanta hawlgalladani ahayeen  kuwo wax badan ka duwan howgaldii caadiga ahaa ee magaalada inta badan ka dhici jiray, waxaana saaka sidoo kale xanibnaa isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada iyadoo waddooyinka lagu arkayay dad aad u badan oo  lugeynay waddooyinka loo diiday in ay maraan gaadiidku.

Waxaa sidoo kale caawa bandaw ku jirta magaalada Muqdisho, waxaana inta badan waddooyinka daadsan ciidama aad u badan  oo ka qeyqaadanaya sugidda ammaanka magaalada maadaama ay cabsi badan  jirto.

Ururka Alshabaab ayaa muddooyinkan dambe qarraxyo ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen dad badani ka fuliyay magaalada Muqdisho.

Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews.com

Muqdisho, Soomaaliya
 

Leave a Reply

Your email address will not be published.