Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Kulmay Dhiggiisa Iyo Madaxweynaha Dalka Turkiga

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Kulmay Dhiggiisa Iyo Madaxweynaha Dalka Turkiga

jaw01Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo wafdi uu hogaaminayaa ay ku
suganyihiin dalka Turkiga, ayaa shalay kulammo gaar gaar ah la qaatay
dhiggiisa iyo madaxweynaha dalka Turkiga, ayadoo dhanka kalena uu
guddoomiyuhu booqday goobo ku yaala magaalada Ankara.

jaw02Kulamada ka hor, ayaa guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisu waxey
booqdeen qabriga uu ku aasanyahay madaxweynihii hore ee dalkan Turkiga
Mustafa kamaal Ataturk, halkaasi oo uu guddoomiyuhu dhigay ubax, sidoo
kalena guddoomiyaha iyo Wafdigiisa waxey kormeer ku tageen dhismaha
Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara, waxaana
warbixinno ku aadan waxqabadka safaaradda uu ka dhageystay
howlwadeennada iyo mas’uuliyiinta safaaradda oo uu hoggaaminayey
safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Md. Maxamed Mursal Sheekh
C/raxmaan.

safGuddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh
Cismaan Jawaari, ayaa aad u ammaanay qaabka ay u shaqeyso safaaradda
Soomaaliya ee dalka Turkiga, waxaana uu ku boorriyey mas’uuliyiinta iyo
howlwadeennada Safaaradda iney sii wadaan dadaalkooda hagar la’aaneed
ee ay ugu adeegayaan shacbiga Soomaaliyeed ee ay wakiilka ka yihiin.

jaw06Intaasi kadib guddoomiyaha iyo Wafdigiisa waxey tageen
xarunta baarlamaanka dalkan Turkiga oo ku taalla magaalada Ankara,
waxaana uu kormeeray dhammaanba qeybaha kala duwan ee uu
ka koobanyahay dhismaha xarunta Baarlamaanka, ayadoo markaasi kadibna
uu guddoomiyaha baarlamaanku kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalkan
Turkiga oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii ay wada
shaqeyn joogta ah u dhexmari laheyd labada baarlamaan ee Soomaaliya
iyo Turkiga.

Kulankaasi dhexmaray labada guddomiye Baarlamaan kadib waxaa Wafdiga qado sharaf
loogu sameeyey xarunta baarlamaanka ayadoo qado sharaftaasina ay goobjoog ka ahaayeen
xildhibaannada labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa booqday xarunta Wasaaradaha dalka
Turkiga, halkaasi oo uu kula kulmay Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka
Turkiga Bakir Bozdag oo isagu dowladda Turkiga arrimaha Soomaaliya u
qaabilsan, waxaana uu guddoomiyuhu uu aad u ammaanay sida hagar
la’aaneed ee ay walaalaha Turkigu u garab taaganyihiin shacbiga iyo
dolwadda Soomaaliyeed.

jaw07Ugu dambeyntii guddoomiyaha baarlamaanka ayaa aqalka Madaxtooyada kula
kulmay madaxweynaha dalkan Turkiga Md. Cabdalla Guul oo ay ka wada
hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa, waxaana
kulankaasi oo qaatay muddo saacado ah ay labada dhinac isku afgarteen
in lasii xoojiyo cilaaqaadka iyo wadashaqeynta ay dowladda Federaalka
Soomaaliya la leedahay walaalaha Turkiga.

—-DHAmMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka

Leave a Reply

Your email address will not be published.