Mahadhadii Maxammad Nuur (Q. 5 aad)

Mahadhadii Maxammad Nuur (Q. 5 aad)

Sheeko murtiyeed Soomaaliyeed: Gar Gar Diidday

xooloMaalin ayaa nin geel la jooga hal baadi ahi soo raacday. Ninkii ayaa geelii soo hoyiyay.Markaas ayaa habeenkii geelii libaax u soo dhacay oo hashii dilay. Hashii ayaa bakhtiday.Kolkaa ayaa aroortii ninkii hasha lahaa u yimid oo yiri, “hal baadi ah ma aragtay?” Kii kale ayaa yiri, “haa, hal ayaa shalay i soo raacday, habeenkii xalay ahaa ayaana libaax dilay”.

Markaas ayuu yiri, “hashu sidee ayay u tiil, oo summaddee ayay lahayd?” Kolkaas ayuu yiri, “waa taa halkaa taal e orod oo eeg”. Ninkii hasha laha ayaa hahii u tegay oo gartay in ay hashiisii tahay. Kolkaa ayuu iska tegay oo libaaxii raadsaday. Libaaxii oo geed hoosti jiifa ayuu helay oo dilay. Beri dambe ayaa qoladii hasha lahayd ninkii geeliisa ay soo raacday u sheegteen. Dabadeed waa isla gar tageen oo ninkii hashii u sheegteen. Magteedii ayaa lagu xukumay ninkii ay geeliisa soo raacday. Ninkii ayaa hasha magteedii bixi la yiri. Wuxuu yiri [kii la xukumay] “haddii ay sidaa noqotay, waxa aan doonayaa inankayga magtiisii. Ninkaasi waxa uu dilay inankaygii e”. Markaas ayaa la yiri, “inankaaga goorma ayuu dilay?” Waxa uu yiri, “inankaygu waxa uu ahaa libaaxa hasha dilay. Mar haddii ay sidaa noqotay oo aad i tiraahdeen hasha magteedii bixi, isaguna waa in uu libaaxii ii magdhabaa”.

Markaa ayaa raggii guddida ahaa hoos isu la xanshashaqay oo yiraahdeen, “ninkaasi hadal gar ah ayuu ku hadlay oo gar ayuu leeyahay, haddase waxa aynnu niraahnaa kala taga!” Markaas ayay yiraahdeen, “orda kala taga! Gartaasu waa gar gar diidday e”.Halkaas ayay ku kala tageen. Waa sidaa.

Halkan ka akhri maqaalka oo dhan
____________________________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2013 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

Your email address will not be published.