Muqdishu- (WDN)- Fafaahin kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo galabta ka dhacay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay, halkaas oo fariisin u ah maamulka KGS.
Qaraxyada ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday dad ka badan oo gaadhaya 15 ruux, halka dhaawaca uu kor u dhaafay 30. Qaraxyadaasi oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo, ayaa lala beegsaday goobo ganacsi iyo maqaayado laga qaxweeyo galbihii oo dad badan ay ku sugnaayeen.
Wararka qaraxa ayaa waxa ay sheegayaan in uu ahaa qaraxa hore Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana la sheegay in agagaarka xarunta Dahabshiil uu ku dhacay. Halkaas oo ay ku yaallaan maqaayado iyo goobo ganacsi.
Sidoo kale qaraxa kale ayaa ka dhacay Maqaayad ku taalay Afar Irdoodka, halkaasi oo qof xirnaa jaakadaha qarxa uu isku qarxiyay. Waxaana uu ahaa midka ugu waxyeelada badan qaraxyada maanta ka dhacay Baydhabo.
Qaraxyada ayaa ka dhacay goobaha lagu tilmaamo in ay yihiin Faras magaalaha Baydhabo, waana meelaha ugu badan oo dadka isugu tagaan. Waxaa suura gal ah in khasaaraha dhimashada uu intaa ka bato, maadaama goobaha qaraxyada ka dhaceen ay aad mashquul u ah.
Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koofur Galbeed oo ku aadan qaraxyadan ruxay magaalada Baydhabo uu ah xaruntooda KMG ah.
Qaraxyada ayaa imaanaya xili habeen ka hor ay Muqdisho sidoo kale ka dhaceen qaraxyo laba ah kuwasi oo geystay waxyeelo badan oo soo gaaray dad rayid ah.
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho
Leave a Reply