Muqdishu (WDN) – Waxa maanta Baarlamaanka Federaalka loo gudbiyay mooshinkii xilka lagaga xayuubinayo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud. Waxa mooshinka ku saxiixan xildhibaanno gaaraya illaa 140, iyada oo uu maanta mooshinka guddoomay shirguddoonku. Marka waxa dhawaan lagu wadaa in ay billaabanto dooddii xilka qaadista Xasan Sheekh.
Eedaha loo soo jeediyay Madaxweyne Xasan waxaa ka mid ah:
1. in uu ku xadgudbay dastuurka:
a) Arrimaha qodobkan ay ka tilmaameen waxa ka mid ah awood maroorsi. Taas oo ay tusaale u soo qaateen dhammaan ra’iisal wasaareyaashii soo maray illaa kan hadda jooga oo uu masuuliyaddoodii si sharci darro ah ugala wareegay.
b). Isaga oo dagaal ka dhan ah ku haya maamul goboleedyada.
c). Wareegtooyin sharciga baal marsan oo uu amray iyada oo aan baarlamaanka la soo marin. Tusaale waxa uu sannad ka hor soo saaray dikreeto uu maxkamadaha ku amrayo in ay dil ku xukumaan dadka looga shakiyo Al shabaabka oo kale. Dikreeatadaas oo ay ku tilmaameen mid sharciga aan waafaqsanayn.
d) Heshiisyo uu galay oo aan baarlamaanka la soo marin
2. Musumaasuq xad dhaaf ah, sida heshiiska shirkada Soma Oil & Gas, dhulkii dawladda iyo hantidii ma guurtada ahayd oo uu xaraashayo iyo lunsaho xoolo ama hanti dadweyne,
Mooshinka waxa shirguddoonku uu aqbalay maanta. Waxaana xusid mudan in madaxweynaha si xil ka xayuubin loogu sameeyo loo baahan 184 cod.
WardheerNews
Leave a Reply