Weerar Culus oo Lagu Qaaday Madaxtooyada Soomaaliya

Albaabka weyn ee Villa Somalia

Rasaas culus iyo qaraxyo ayaa lagu weeraray dhismaha madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

Dablayda weerarka qaadday ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka al-Shabab.

Warar hordhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya ilaa ugu yaraan 6 ka tirsan ururka al-Shabab aay dhinteen, iyo tiro kale oo ka tirsan ciidamada dawladda.

Af-hayeenka dawladda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa VOA u sheegay inay bad-qabaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirrada.

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in weerarku uu ku bilowday kadib markii baabuur ay la socdaan dablaydu uu isku dayey inuu xoog ku galo madaxtooyada kadibna ay hor istaageen ciidamada.

Daqiiqado kadib ayaa la sheegay inuu is qarxiyey mid ka mid ah dadblayda la socotay babauurka, waxaana xigay ciidamo lugta ku sucoda oo weerar kusoo qaaday dhismaha madaxtooyada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka maqnaa Vila Somaliya xilligii uu weerarku dhacayey waxaana la sheegay in afur ku lahaa Dugsiga Xalane ee garoonka diyaaradaha ee Muqdishu.

Weerarka xooggiisa ayaa la sheegay inuu ka dhacay albaabka weyn ee madaxtooyada waxana uu ku bilowday muran dhexmaray baabuurka ay la socdeen dablayda al-Shabab iyo ciidamada ilaalada madaxtooyada.

Dad xog-ogaal ah ayaa VOA u sheegay inaan weerar toos ah lagu bartilmaameedsan safaaradaha Itoobiya iyo Jabuuti oo u dhow madaxtooyada.

Warar goor dhowayd nasoo gaadhayna waxay sheegayaan in 7 – 8 ka tirsan mintidiinta al-Shabab ay ku lug lahaayeen weerarkan kuwaasi oo la aamisan yahay in qaar ka kid ah lagu dilay weerarka.

Wararku waxay sheegayaan in haatan ay istaagtay rasaastii ka dhacaysay gudaha madaxtooyada.

Xigasho. VOA Soomaali

Leave a Reply

Your email address will not be published.