Boosaaso (WDN)- Puntland oo dhawaanahanba ka waday dagaalo deegaanada buuralyeda Bari, ay kula jirto maleeshiyaadka Daacish, ayaa guulo ka soo haysay, islamarkaana gacanta ku qabatay maleeshiyo badan oo ajnabi ah. Dagaalkaasi oo hadda galay Wajigii labaad, ayaa Taliyaha Guud ee ciidamada difaaca Puntland General Aadan Cabdi Xaashi oo wareysi kooban siiyay VOA-da, ayaa ka warbixiyay duqeymo xooggan oo maalintii Sabtida diyaarado ay la beegsadeen maleeshiyada Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad.
General Xaashi oo hogaaminaya hawlgalka Puntland ay kaga cirib tirayan maleeshiyaadka Daacish ee ku sugan Buuraha Calmiskaad ee gobolak Bari, ee Puntland, Soomaaliaya, ayaa ugu horeyn qiray duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen fariisimo Daacish ay ku lahaayeen deegaankaasi.
Qoraal kooban oo howlgalka lagu soo soo saaray, ayaa Generalku waxa uu ku xaqiijiyay in ugu yaraan 10 goobood oo muhiim ah oo ay ku jiraan Daacish- oo ay ka mid yihiin kuwa dhulka hoostiisa mara, si aan mugdi ku jirina loo beegsaday goobhaasi buuraha. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhammaan hawlgaldaasi u dhaceen ujeeddooyinkii loo qorsheeyay.
General Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntaasi lagu dilay tiro badan oo ka tirsan maleeshiyaadka Daacish oo ay ku jiraan Taliyeyaal sare. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu xusay in qiimaynta khasaaraha ay wali socoto, si loo ogaado inta uu le’eg yahay khasaaraha kooxda.
Dhinaca kale war kooban oo ka soo baxay ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in duqeymaha diyaaraduhu ay ka fuliyeen deegaano ay ka mid yihiin Miiraale, Togga Jeceel, iyo Dhaasaan.
Ciidamada Puntland ayaa horay u sugay aagaggaas ka hor duqeynta dhanka cirka ah si loo xaqiijiyo guulo laga gaaro howlgallada.
WardheerNews
Leave a Reply