Baydhabo: Tuuggo caqabad ku noqday nolosha qoysas ku jira xeryo barakac

Qoysas ku jira xero barakacay oo noloshoodu ay liidato/kaydka Ergo

(ERGO) – Qoyska Jowhara Cabdi Aadan oo sagaal qof ah waxaa ku adag in ay helaan raashin iyo biyo ku filan. Waxaa saameeyay hakad ku yimid shaqo dhar-dhaqis iyo gurista xaabada ahayd oo ay u aadi jirtay magaalada Baydhabo.

Shaqadaas oo ay ka maarayn jirtay noloshooda ayay qaban waysay, markii dhaawac uu ka soo gaaray ganacta midig oo ay ka jabiyeen tuugo doonaysay in ay taleefanka ka dhacaan xilli habeen ah shantii bishii Juun ee sanadkan.

Qoyskan oo ku tiirsanaa Jawhara waxay hadda ku nool yihiin raashin ay hal waqti cunaaan oo ay ku caawiyaan dad ay qaraabo yihiin. Waxay xustay in carruurteeda oo kan ugu yar saddex jir yahay ay ku dhib qabaan in ay waqtigaas dheer qadsanaadaan.

“Xaabadeena suuqa ayaan gaysanaynay waana gadanaynay. Hadda duur luuma baxaayo waaba laysku taagan yahay oo waa labaqaa.”

Jowhara oo qoyskeedu uu barakac ku yahay xerada Alle-aamin ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegtay in tuugadu habeen iyo maalinba ay dhibaato kala kulmaan. Dadka ugu nugul ee ay beegsadaan ayay ku tilmaantay haweenka igu carruurta.

Xilligii hore ayay sheegtay in ay ku billaabeen dhaca haweenka xaabada u doona  duleedka magaalada, balse hadda ay xitaa ka wadaan gudaha xerada. Waxay xustay in sidoo kale in ay jidka u galaan markay aadaan magaalada oo cabaar ka durugsan.

Haweenaydan dhibaatooyinka ay la wadaagto dadka kale waxaa u dheer in ay la dhibtoonayso dhaawicii soo gaaray oo aysan helin wax daryeel ah. Waxay sheegtay in gacanteeda oo ay go’een qaar ka mid ah murqaheeda, sidoo kalana laftu jabtay. Waxay xustay in aysan tagin wax xarun caafimaad ah dhaqaale xumada haysa darteed.

Waxay tilmaantay in intaas ay u wehliso jeenan la’aan oo xitaa waxay helaan ay carruurta siiso, iyaduna aysan waxba ka soo gaarin. Gacanta oo ay dad daris la ah ay ka saareen kab-dhaqameed ayay sheegtay in ay hadda dareentay in xaaladdeedu sii liidanayso iyada oo baqdin wayn ka qabta in ay nafo noqoto haddii ay kabanto.

Jowhara gabdhaha yar yar ayay sheegtay in tuugadu ay gaar u baagsanayaan. Ujeedkooda ayay ku tilmaamtay in ay doonayaan in ay kufsi u gaystaan.

Haweenaydan qoyskeedu ay xerada soo gaareen sanadkii 2021 markaas oo ay abaar ka laysay tiro ari ah oo ay ku dhaqanayeen deegaanka Seenilow oo Baydhabo hoos taga ayaa u jeedkeedu ahaa in ay carruurteeda u hesho meel ay ku noolaan karaan. Waxay xustay in xilligaas ay billowday halgan ku aaddan in ay reerka iyadu u shaqayso maaddaama aabbaha qoysku yalahay waayeel sariir yaal ah.

Waxay sheegtay in dhar-dhaqista iyo xaabadii ay ka soo guraysay duleedka magaalada ay si maalinle ah uga heli jirtay lacag u dhaxaysa $2 ilaa $3 oo ugu filnayd in ay labo waqti dabka saartaan, balse hadda ay meesha ka baxday.

Labo boqol iyo toban haween ah  oo ku nool xeryaha ayaa baagamuuddo ku noqday  dhibaatada tuugada sida ay sheegeen guddiga dadka barakacay. Waxay ka quusteen in ay xerada ka baxaan, maaddama loo gaysanayo jirdil, dhac iyo kufsi.

Malayko Madow Isxaaq waxay muddo labo bil ah tahay shaqo la’aan. Waxaa joojisay xaabo ay u dooni jirtay duurka oo ay ku maarayn jirtay nolosha qayskeeda.

Waxay tilmaamtay in ay ku dhiiran waysay, markii saddex mar laga qaatay taleefanno yar yar oo ay wateen iyada iyo gabdho ay wada shaqayn jireen. Waxay xustay in hadda ay ku jiraan xaaladdii ugu xumeed ee soo marta, maaddama ay shaqo beeshay.

“Markii hore nolol ayaan haysanay hadda nolol mahaysano dhibaato ayaa nahaysa khudaarta ayaan soo guran jirney xaabada ayaan soo guran jirney tuugo ayaan weyney meel aan ka galno qof weyn anagoo ah meel aan aadno aysan laheyn, biyaha mahysano nolosha ayaan dhibaato ugu jirnaa.”

Malayka oo kaligeed korinaysa 7 carruur ah oo agoon ah ayaa sheegtay in arrintan ay ku qasabtay in ay dawarsi u dhex aaddo xerada si ay u maarayso nolosha qoyskeeda. Waxaa la soo siiyaa raashin bisil ama ciiriin oo ay hal mar cunaan, halka markay waysana ay qadaan.

Cunno yarida waxay sheegtay in ay u dheer tahay biyo yari. War ay ku jiraan biyo uu geliyay roobkii gu’ga oo xerada u jirta 5 km oo ay garabkooda uga soo qadan jireen ayay tilmaantay in ay aadiwaayeen tuuggada dartood. Waxay sheegtay in maalintii ay koox ay israacaan ay wayso ay biyo la’aan ku joogaan oo aysan kaligeed ku dhiiran karin.

Dhanka kale Malayka waxay sheegtay in tuugadu ay sidoo kale dhibaato ku hayaan dhanka hoyaadka dadka xerada deggan. Waxay xustay in habeenkii ay dadka u soo dhacaan oo ay ka qaataan dhamaan waxii ay agab iyo raashin haystaan, taas oo iyada siwayn u taabatay.

“Habeenkii aad iyo aad ayaan u cabsaneynaa buushkan ayaan ku jirnaa cabsidaas ayaa aad inoo haysa habeenkii. Caawa anoo sidan u soo jeeda ayaa waagu iigu baryay.”

Malayka waxay sheegtay in qoyskeeda ay xeradan la soo gaartay sanadkii 2017, markaas oo ay ka nacfi beeshay beer saddex hiktar ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Baraka oo Baydhabo u jira 21 km. Waxay xusat in tan iyo xilligaas ay filaysay in ay xeryaha ka helayso nolol dhaanta tii ay ka soo hayaantay balse aysan noqon rajadeedii.

Waxay sheegtay in hadda aysan ku dhiiran karin in ay beertii dib ugu laabato, maaddama uu xilligii ay soo barakaceen uu geeriyooday aabbihii reerka oo beerta tacbi jiray. Iyada iyo carruurteeda oo yaryar ah ayay tilmaantay in aysan kaligood ku filayn beerta oo dayac wayn uu ku dhacay muddadii laga maqnaa.

Dhamaan dadka xeryaha ku nool ayaa ka siman dhibaatada ka soo gaarta tuugada inkasta oo xerada Alla-aamin oo gees u xigta ay ugu daran tahay. Dadka dukaanada ku leh gudaha xeryaha ayaa la kulma dhac iyo xatooyo joogto ah oo ay tuugadu u gaystaan.

Dadka ku nool xeryahan oo horay u qabeen dhibaatooyin dhanka cuntada, hoyga iyo biyaha ah waxay hadda wajahayaan dhibaato hor leh oo ay u arkaan in ay tahy mid ay adagtahay in ay u sii dulqaataan.

Xigasho: Radio Ergo

Leave a Reply

Your email address will not be published.