Xaflad lagu soo dhaweynayo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Md. Cabdiwali Sh. Axmed iyo wafti uu hogaaminayo oo lagu qabtay deegaanka Washington DC

Xaflad lagu soo dhaweynayo  Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Md. Cabdiwali Sh. Axmed  iyo wafti uu hogaaminayo oo lagu qabtay deegaanka Washington DC
Cabdiwali_xaflad VA
Cabdiwali, Carab & Siciid ( Virginia USA)

Washington , DC, ( WDN) Shir si wacan loo soo agaasimay oo lagu soo dhawaynayay Ra’iisal Wasaarhii hore ee Soomaaliya Md. Cabdwali Sh. Axmed iyo wafti uu hoggaaminayo oo ay xubno ka ahaayeen Md. Xuseen Carab iyo Siciid Maxamuud, ayaa ka dhacay habeenkii xalay (Sabtida) huteelka The Westin Tysons Corner, VA, ee dalka Maraykanka.

Xafladdaasi oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Washington DC iyo nawaaxigeeda, ayaa ahayd mid ku qotonta xog waraysi iyo wadatashi ku aaddan xaaladda Soomaaliya.

Md. Cabdiwali Sh. Axmed oo halkaasi ka hadlay, ayaa ka warramay xaaladda guud ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalku u baahan yahay in si wadajir ah gacmaha la is qabsado oo si midaysan loo wajaho duruufaha, dhibaatooyinka iyo dhacdooyinka ka taagan ama la soo darsay waddanka.

Cabdiwali_ booqosho_Washington
Cabdiwali, Carab & Siciid ( Virginia USA)

Md. Cabdiwali Sheekh, Md. Xuseen Carab iyo Md. Siciid, ayaa dhammaan ka halday qorshaha guud ee Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyadda Dadka iyo Dalka. Madashaasi oo ay ku bahoobeen ururro, siyaasiyiin iyo waxgarad, matalaya dhammaan bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana loo baahan yahay in shacbiga Soomaaliyeed ee qurbaha ku nooli ay door mug leh ka qaataan taageerada iyo ka mid noqoshada madasha.

Warbixintii waftiga ka gadaal waxa loo gudbay su’aalihi iyo xog waraysigii waftiga.

Md. Carab oo ka jawaabayay su’uaal ku aadanayd sababaha ilaa hadda loo samayn waayay ama loo heli waayay ciiddan Qarameed, ayaa sheegay in wakhtigii uu ahaa Wasiirka Gaashaandhiga ee xukuumaddii KMG, ay sameeyeen qorshayaal ku aadan sidii dhidibada loogu taagi lahaa ciiddan Qaran. Md. Carab, ayaa intaas ku daray in aasaaska waddanku uu yahay sidii loo heli lahaa ciiddan Qaran oo suga amniga iyo xasiloonida dalka islamarkaana looga baxo ciiddan beeleedka.

Md. Carab, ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan ciiddamo beeleedyadii wakhtigaasi iyo dawlad goboleedyada sida Puntland, Galmudug io Ahlu Sunaa Wal Jameeca ay aqbaleen qorshaha dhisidda ciiddan Qaran.

Su’aalo dhowr ah oo dhammaan ka tarjumaya dareenka Qurba Joogta deegaanka Washington, ayaa ka gadaal xafladdaasi la soo af jaray , iyada oo uu si habsami leh u daadihinayay Anwar M. Diiriye.

Waftigan ayaa lagu wadaa in ay booqdaan mudadda ay ku gudda  jiraan socdaalkooda dalka Maraykanka, gobolada Minosota, Ohio iyo Washington – Seatle

WardheerNews.

Leave a Reply

Your email address will not be published.