Yuusuf Garaad ma wariyaha Villa Soomaaliyaa?

WardheerNews (WDN)- Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya Md. Yuusuf Garaad oo in badan ku soo dhex jiray saxaafadda Soomaaliya, kana billaabay shaqadiisa wariye ahaan Raadiyo Muqdisho ka hor burburkii Soomaaliya, ka gadaalna ku biiray Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, ayaa bishii Juun ee 2016-kii dowladii Xasan Sheekh u magacowday Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan u magacowday Md. Yuusuf Garaad Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya, xilkaasi oo ka mid ah kuwo ugu mudnaanta badan xukuumada Soomaaliya.

Md. Yuusuf Garaad

Muddadii uu hayay xilka Danjiraha Soomaaliya ee QM, dad badan oo ku dhow dhow Yuusuf Garaad, ayaa sheegay in uu fadhigiisu u badnaa Muqdisho, marka laga reebo wakhtigii uu waraaqaha aqoonsiga gudooonsiinayay Xoghayaha Guud ee QM. Md. Yuusuf ayaa shaqadiisa Danjiraha Soomaaliya ee QM ku koobneyd magac ahaan, isaga oo aan wax howl ah oo la taaban karo ka qaban xilkaasi loo igmaday.

Haddaba waxa dhawaanahan lagu arakayay baraha internet-ka  Wasiir Yuusuf Garaad oo u eeg wali in uu yahay wariye, oo kolba dalka uu tago ama mas’uulka uu la kumo ka soo waramaya qaab aan aheyn wasiir-nimo balse wariye ah,  iyada oo wasaaradiisu Arimaha Dibaddu ay leedahay wariyayaal ama waax u qaabilsan warbaahinta, taasi oo ay u dheertahay in wasaarad dhami (Wasaaradda Warfaafinta) ay ku hadasho afka Dowladda Soomaaliya.

Dad badan ayaa is weydiinaya in Md. Yuusuf Garaad uu ku haboonaa Wasiirka Warfaafinta, taasi oo u eeg in uu xiiso gaar ah wali u hayo.

Haddaba waxa la gudboon wasiir Yuufuf Garaad in uu xilka soo tebinta wararka u dhaafo dadka ku shaqada leh sida Yariisow iyo Wasaaradda Warfaafinta ama qeybta warbaahinta ee Wasaaradda Arimahaha Dibadda.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.