Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Yaxye Cali Hareeri: Hormuudka Falalka Musuqa

W/Q Cabdi D. Faahiye

In dhawaalaba xukuumaddii hore ee Xasan Cali Kheyre waxay mashquul ku aheyd sidii loo xakameyn lahaa musuqa si looga mira dhaliyo yoolka deyn-cafinta Soomaaliya. Balse waxaa xusid mudan in Xafiiska Ra’isul Wasaaraha uu yahay isha ay ka soo burqadaan musuqa ugu baaxadda weyn dawladda Federaalka. Musuqa oo dhowr nooc ah, ayaan qoraalkan waxaan diiradda ku saareynaa doorka Yaxye Cali Hareeri oo saameyn badan ku leh siyaasadda iyo maamulkii hore ee Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre.

Kheyre iy Yaxye

Yaxye oo nidaamka dawladda kusoo biiray bartimihii sanadka 2015-kii, shaqadii ugu horreysay ee loo magacaabana aheyd Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaan maanta ku sifeysan ninka ugu musuq-maasuqa badan xukuumadda. Waxa kale oo jirta in Yaxye uu Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka uu ka tirsan yahay, kana heysta Gaashaanle Sarre ee darajada ciidanka.

Yaxye ayaa haddaba mashaariic dhowr ah waxaa uu haatan ka qaataa in ka badan afar mushahar iyo gunnooyin, kuwaas oo aan waafaqsaneyn sharciga Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Federaalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Marka aad eegto diiwaanka shaqaalaha rayidka ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu heshiisiinta, Yaxye wuxuu wali ku magacaaban yahay shaqaalaha Wasaaradda oo uu wali qaataa mushaarkii Xoghayaha Joogtada oo u dhigma heerka Agaasimaha Guud, oo ah $1,200 bil walba. Lacagtaas waxay toos ugu dhacdaa koontada uu ku leeyahay bangiga Dahabshiil.

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Mashruuca ka-hortagga Xagjirnimada (PCVE) oo hoos imaan jiray Wasaaradda Warfaafinta ayuu Yaxye ku guuleystay in uu hoos keeno Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, halkaas oo uu ka noqday u-qeybsamaha iskudubaridka fulinta mashruuca, asagoo adeegsanaya awoodda Ra’isul Wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre, kaas oo u sameystay wax ay ugu magac dareen Tubta Amniga.

Baaritaan qoto dheer oo aan ku sameynay arrintan, waxaan soo xaqiijinay in Yaxye uu $8,000 bil walba ku qaato magaca Yaxye Cali Ibrahim. Isla xafiiska Ra’isul Wasaaraha, Yaxye wuxuu meel mariyay in uu hoos keeno maamulkiisa mashruuc la yiraahdo “Reconciliation and Federalism” (REFS) oo saddex dhinac ay ka maamulaan UNDP, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha. Dhanka xafiiska Ra’isul Wasaaraha waxaa ka shaqeyn jiray Jacfar Jaamac, oo haatan ah Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, kaas oo uu Yaxye si boob ah ugala wareegay. Mushaharkii la siin jiray laba qof oo hawlwadeeno ka ahaana, isaga ayaa isku soo qoray. Halkaas waxaa uga soo dhacda Yaxye $7,500 bil walba.

Intaa kuma eka, ee waxaa jirta iyana lacag $5,500 ah oo uu bil walba uga qaato Xafiiska Ra’isul Wasaaraha maadaama uu yahay La-taliyaha ugu sareeya ee Ra’isul Wasaarahii hore, waxaana laga jaraa qarashka xafiiska ee maamulka iyo maareynta XRW. Arrintan waxaa cadeynteeda si hoose uga helnay sarkaal ka tirsan isla xafiiska RW.

Wadarta Guud

Baaristan aan ku dabagalnay isdaba-maryeynta iyo musuqmaasuqa Yaxye Cali Hareeri waxaan ku xaqiijinay wadarta guud ee mushahar ahaan uu ku qaato in ay ka badnaan karto $22,200 oo ah inta kor ku xusan. Hay’adda Nabad Sugida Qaranka oo uu ka tirsan yahay, kana heysta Gaashaanle Sarre ee darajada ciidanka, ayaan inoo suuragalin in aan wax ka ogaano inta ay la’egtahay lacagta uu mushaharka u qaato bil walba.

Shirarkii Dhismaha Galmudug

Yaxye oo lagu yaqaan firinfircooni iyo hal-abuurka musuqmaasuqa, ayaa ka dhex muuqday shirarkii dhismaha Galmudug ee Dhuusamareeb, kadib markii uu ogolaansho buuxda ka helay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre in uu ku matalo halkaas, nidaam iyo maamul uu raali ka yahayna u ka soo yagleelo.

Durbadiiba wuxuu gacan-saar la yeeshay hawl-wadeennadii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo ay ka mid tahay Sacdiya Maxamed Cilmi, una qaabilsanaa hawlaha iskudubbaridka iyo soo saarista Qoorqoor, kuwaas oo gacan buuxda ku siiyay Yaxye sidii loo meelmarsan lahaa qarashkii loogu tala galay dhismaha, saadka iyo tasiilaadka ergooyinka dhaqanka.

Qaar ka mid ah ganacsatadii Dhuusmareeb oo aan wareysanay ayaa Yaxye ku eedeynaya in qaansheegad gaaraya boqollaal kun ay ku leeyihiin kadib markii uu damiintay, heshiisna kula galay ganacsatada in wixii kharash ah uu isaga u xilsaaran yahay. Gacansatadan oo aan aqoon badan u laheyn Yaxye Cali Hareeri, ayaa kala ahaa 1) milkiileyaal gaadiid 2) Hoteelo iyo 3) Guryo loo adeegsaday martisoorka ergooyinka.

Ganacsatadaas ayaa ku eedaynaya Yaxye in uusan bixin qarashaadkii ay ku lahaayeen arrintaas oo uu damiin uga ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Sidoo kale, waxaa Yaxye u suuragashay in kharash badan uu ka soo xareeyo Hay’adaha Caalamiga iyo Deeq-bixiyeyaasha kuwaas oo lagu handaday magaca Xukuumadda iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Mid ka mid ah saraakiisha Wasaaradda oo ka gaabsaday  in magaciisa la sheego, ayaa yiri “Yaxye wuxuu magaca dawladda ku boobay intii uu Dhuusamareeb joogay ugu yaraan $1.5 Miliyan lacag gaareysa, mana jirto cid la xisaabtami karta.”

Gudiga Gurmadka Abaaraha

Yaxye oo xogheyn iyo maamule ka ahaa guddigii Gurmadka Abaaraha ee 2016-ka ee uu hor kacayay wadaadkii Nuur Baaruud Gurxan, ayaa jeebka ku ritay lacago iyo deeqo raashin kuwaas oo loogu tala galay dadkii masaakiinta ahaa ee waxyeelada abaaruhu saameeyeen. Yaxye oo maamulka iyo go’aamada guddiga laf-dhabar u ahaa ayaa diidday in xisaab celin lagu sameeyo deeqihii iyo lacagihii tabarucaada ee magaca dawladda iyo kan culimada lagu aruuriyay.

Yaxye oo kaashanaya milkiilaha mid ka mid ah Hoteelada Muqdisho, oo ay qaraabo yihiin, ayaa Bakaaraha u iibgeeyay markabkii raashinka ahaa ee dawladda Turkiga ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed.

Barnaamijka Xasilinta Caasimadda

Abaarihii kadib, Yaxye ayaa isla markiiba la jaanqaaday Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, isagoo sheegtay in uu yahay khabiir dhanka amniga iyo xasilinta caasimadda. Ra’iisul Wasaaraha oo aan arintaa ka fiirsan, ayaa u magacaabay taliyaha Xasilinta Caasimadda, taas oo keentay in magaaladda lagu gadaamo dhagax kala xirtay isusocodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Xukuumadda oo arintan u aragtay in ay guulo degdeg ah ka soo hoyni karto, ayaa galisay kharash iyo hanti fara badan, taas oo Yaxye u suuragalisay in uu ka macaasho gunnadii ciidanka. Kadibna, ciidankii faraha badnaa ee meel walba lagu soo daayay waxay isku badaleen kuwo shacabka baarta habeenkii, subixiina shaxaada.

Arrintaas waxay dhalisay in qaraxyadii Shabaab ay sii laba jibaarmaan, amarkii lagu xiray waddooyinka Muqdishana uu sabab u noqdo khasaarihii ugu ba’naa ee ka dhaca qaaradda Afrika, oo ahaa qaraxii Soobe October 14, 2018 kaas oo naf iyo maal fara badan lagu waayay.

Wasaaradda Caafimaadka

Yaxye oo ah madaale aan habeenkii indho badan is galin, ayaa bilihii ugu dambeeyay weerar ku hayey Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka, kadib markii uu hubsaday in deeqaha cudurka Covid-19 ay ku soo wajahan yihiin dhankeeda. Cabdullaahi Xaashi, oo isna magaca Wasaaradda ku qaraabta, ahna Agaasimaha Guud, ayaa noqday caqabad uusan Yaxye ka gudbi karin haddii aan si kale loo maareyn.

Durbadiiba Yaxye wuxuu u dhigay dabin, kadibna Xeer-ilaalinta ayaa ku soo oogtay Cabdullaahi Xaashi dambiyo ay ka mid yihiin musuqmaasuq, xatooyo hanti qaran, taas oo loogu dhaadhiciyay xabsiga. Wixii ka dambeeyay, Yaxye oo ku hadlaya magaca Xafiiska RW ayaa si toos ah faraha ula galay shaqo maalmeedkii Wasaaradda Caafimaadka, oo ay ka mid yihiin maareynta deeqaha iyo maamulka hawlaha ka-hortagga cudurka Covid-19. Isbitaal Martiini oo aheyd goobtii lagu daweynayay bukaanka cudurkan ayaa loo dhiibay gabar la yiraahdo Sumaya Cilmi Dhuxulow, oo ay qaraabo yihiin, kana tirsaneyd Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Galmudug.

Falalkan oo Kale Dadkii Geystay Maxaa Qabsaday?

Waxaa xusid mudan in bishii May 21, 2020 ay Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Federaalka lacag soo celin ku ganaxeen Yoonis Xasan Xuseen kadib markii ay ku caddaatay in uu labo mushaar ka qaadan jiray Xafiiska Madaxtooyada (Villa Soomaaliya) oo uu horay uga tirsanaa iyo Hay’adda Qaxootiga & Barakacayaasha Qaranka oo uu iyana hawl wadeen ka ahaa. Balse Xukuumadda marnaba ma eegin musuqa uu falkinayo mid ka mid ah lataliyeyaasha aadka ugu dhow RW hore Xasan Kheyre.

Isticmaalka awoodda xafiiska RW iyo ku-tagrifalka hantida qaranka oo ah dambiyo waaweyn ayaan marnaba loo soo taagin maxkamad shaqsiyaadka heysta kalsoonidda madaxda Xukuumadda Nabad & Nolol.

Taariikhdii Qurbaha

Yaxye Cali Hareeri oo sagaashameeyadii iska dhiibay dalka Ingiriiska oo uu haatan ka heysto dhalasho ayaa ahaa nin iska shaqeysta oo aan lagu tilmaami jirin Diktoor(Doctor) ama Ph.D. qof heysta. Waxa uu daganaa xaafadda Tottenham ee ku taal London, halkaas oo uu uga furnaa dukaan lagu iibiyo telefoonadda iyo dayactirkooda.

Markii uu ka soo tagay London oo ku beegneyd horaantii 2008-dii, wuxuu yimid Xamar, isla markiiba wuxuu shaqo macalinnimo ah u billaabay Jaamacadda Soomaaliya (University of Somalia). Dhowr sano kadib, markii uu fahmay habka ay wax u shaqeeyaan, wuxuu furtay Jaamacad uu leeyahay (Somalia International University), dabadeedna ardaydii dhiganeysay qeyb ka mid ah hore usii watay.

Waa halkan meesha uu ka raacay magaca Professor ama Doktor Yaxye Cali Hareeri, maadaama uu ku dhex jiray bahda waxbarashada, oo uu muddo yar ku soo caan baxay, kana mid noqday hoggaanka jaamacadaha ugu tunka weyn ee magaaladda Muqdisho. Dhowr qof oo aan hore u aqoon ayaa weydiiyay Yaxye waxa uu ku takhasusay, wuxuuna ku jawaabay mar “Dhaqaalaha” mar kalena “Caafimaadka.”

Gunaanad

Waxay ku sifeeyeen dadkii aqoonta dheer u lahaa ee aan ka wareysanay in uu yahay nin fudud balse hawlkar ah, dadaal badan, oo af-tahannimo iyo caqli isku darsaday. Waxayse dhammaantood isku raaceen in uu yahay nin sifooyinkiisa wanaagsan u adeegsaday dhanka xun, sida musuqmaasuqa iyo wax isdabamaryeynta. Waxaa hubaal ah in uusan kaligii aheyn dadka ku shaqeysta fal-dambiyeedka noocan oo kale ah, balse uu yahay kan ugu firfircoon oo garab iyo gaashaan ka heystay Xukuumaddii uu hoggaanka u ahaa Xasan Cali Kheyre oo xilka si sahlan Golaha Shacabka uga tuureen asbuucii hore.

Sidoo kale, waxaa hubaal ah in uu yahay lama-taabtaan ka sarreeya sharciga iyo qawaaniinta u dagsan dalka. Taana waxaa caddeyn u ah in markii ay is qabteen Cabdi Faarax Juxa, wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa uu ku waayay shaqadii wasiirnimo, halka uu Yaxyena ku helay darajo ka weyn tii wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Waxaa taas sii xoojinaysa markii dhawaan la isku dayay in Yaxye laga wareejiyo gaarigii XRW ee aan rasaastu karin waxaa shaqadiisii ku waayay Xoghayihii Joogtada ee XRW C/risaaq Caato, sababtoo ah siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ku heybta ah Yaxye ayaa dhawaaq dheer ku yiri “Yaxye in la ihaaneysto yeeli meyno.

Cabdi Dagal Faahiye
 Email: [email protected]

———-
Md. Faahiye waa suxufi wax ka qora oo ku xeeldheer dhinaca baaritaanada (investigative journalism), gaarahaan arimaha musuqa iyo isdaba-maryeynta hantida dadweynaha.

——————
Maqaalo kele oo la xidhiidha macduuca

The corruption in the heart of Somali Government By Abdi D. Faahiye


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.