Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga ee Soomaaliya oo Mar kale Ku Fashilmay Sugidda Ammaanka Goobaha Muhiimka ah ee Caasimadda Muqdisho
W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan
Qaraxii ay Al Shabaab la beegsatay Central Hotel oo ah goob ay deggenyihiin qaar ka mid mas’uuliyiinta ugu sarreysa dawladdu, sida Ra’iisal Wasaare xigeenka DFS Md. Maxamed Cumar Carte, waa mid ka markhaati kacaya habacsanaaanta ka muuqata hay’adaha ammaanka ee dawladda.
Ma ahan wax cidna ka qarsoon in urrurka xagjirka diineed lagu tilmaamo ee Al shabaab oo muddooyinkii ugu dambeeyay guuldarro weyn kala kulmay goobaha dagaalka, ay xilligan xoogga saarayaan khalkhal gelinta ammaanka magaalooyinka waaweyn siiba caasimadda oo hadda ka soo kabanaysa dhibaatooyinkii dagaalada sokeeye.
Central Hotel, oo ku yaal meel aan wax badan ka fogayn xarrunta madaxtooyada ayna deggenyihiin mas’uuliyiin badan oo dawladda xilalal kala duwan ka haya, marnaba lagama fillayn in weerraro noocan oo kale ahi ka dhacaan.
Waxa muuqata in urrurka Al Shabaab goobtii ay doonaan iyo wakhtigii ay doonaanba ay weerrar ka geysan karaan magaalada Muqdisho.
Weerarrada soo noqnoqda ee marwalba ay urrurka Al shabaab la beegsadaan halbowlayaasha caasimaadu, waa kuwo si cad innoogu muujinaya fashilka hay’adaha ammaanka ee Qaranka.
Hay’adaha ammaanka Qaranka oo tan iyo intii uu madaxweyne Xasan xilka hayay ay hoggaanka u hayeen mas’uuliyiin karti, waayo’aragnimo iyo aqoon toona aan lagu soo xulin, ayaa waxa taasi sababtay in guuldarrooyin is daba jog ahi ay ka soo wajahaan sugidda ammaanka caasimadda.
Mas’uuliyiintan oo isugu jira shakhsiyaad hore uga shaqayn jiray goobaha waxbarashada ee Muqdisho oo xidhiidh sokeeye la leh Madaxweyne Xasan iyo dhallinyaro darajooyin ciiddan oo aanay mutaysan la iskaga tolay, ayaa ah kuwo uu madaxweynuhu ku soo xushay qaraabanimo iyo xisbinimo.
Falalka qarraxyada ismiidaaminta ah ee had iyo jeed ka dhaca goobaha muhiimka ah ee caasimaddu waa kuwo sii xoojinaya shaki iyo tuhun badan oo hore looga qabay in xubno ka mid ah Al shabaab ay ku dhex milmeen maamulka dawladda siiba hay’adaha ammaanka, kuwaas oo u fududeeya una suurta geliya in Shabaabku fulyaan weerrarada noocan ah.
Dhanka kale murranka siyaasaddeed ee aan dhammaan ee ay had iyo jeer ku mashquulaan madaxda sare ee dawladdu waxa uu isna abuuray baylah badan oo ku timaadda hawlaha sugidda ammaanka.
Waxaa hubanti ah in canbaarayn iyo shir degdeg oo la yeesho aanu midna xaaladda waxba ka bedelayn ilaa inta ay dawladdu la imanayso istiraatejiyo si aad ah looga baaraan degay oo lagu sugayo ammaanka, loogana magacaabayo xilalka dhanka ammaanka mas’uuliyiin hannan kara hawshaas iyadoo aan loo eegayn qabiil iyo xisbi toona.
Inta uu xaalku sidan yahay shaki ma leh in aan wax badan maqli doonno mas’uuliyiin iyo maati la xasuuqay.
W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan X. Xasan
WardheerNews, London.
Leave a Reply