Thursday, July 04, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Xuska Caashuura iyo Siyaasadda Fircooniga

W.Q. Cabdullaahi Janno 

Soonka Caashuura waa ku weyn yahay dhexdeenna – waana wax la bogaadiyo in loo degdego kheyrka. Misana waxaad mooddaa in aan hoos loo sii daadigin. Waxaa maqsuud lagu noqday keliya gaajada iyo harraadka soomidda maalintan iyadoon isla markaana aan la isweyddiin su’aalihii muhiimka u ahaa xuskan: Waa maxay xikmadda ay barkan tahay Caashuura? Maxaa sababay in Fircoon la halaago? Maxaa loo maasheeyay markuu eryaday bulshadii bilaa hubka aheyd ee uu u arkayay looma ooyaanka? Ha la halaago’e, waa maxay sababka uu Fircoon ku mutay in Quraanku yiraahdo jirkiisa waa la badbaadin?

Geeridii Fircoon iyo maanta waxaa u dhaxeyso 3000 sano iyo siyaado. Nasiib-darro, siyaasaddii fircooniga aheyd ma aysan la dhiman isaga. Isla siyaasaddii fircooniga aheyd ayaa weli nool oo xoog ku leh dhexdeenna. Waa maxay siyaasadda fircooniga ah? Jawaabtu waxay ku jirtaa su’aasha ah maxaa sababay halaaggii Fircoon? Haddaan taxo qaar ka mid ah hab-dhaqankiisa dulmiga ahaa ee uu ku hayay reer banii Israa’iil, bal adigana isweyddii haddii hab-dhaqankii Fircoon oo kale uu dhexdeenna ka jiro 2020. Hab-dhaqan noocma ah? Kow, kibirka. Labo, cabburinta iyo cago-jugleynta. Saddex, gar-qaadasho la’aanta. Afar, turis la’aanta. Shan, ka garaabid la’aanta. Lix, sedbursiga. Intaan iyo in ka badan ayaa lagu hayaa Soomaalida ku dulman dhexdeenna.

U fiirso, waxaa maalinta Caashuura af-gembi samaawi ah lagu sameeyay Fircoon oo siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, ciidan ahaan, iyo bin’aadan ahaanba u dulmiyay bulsho uu tabar la’aan bidayay. Wuu addoonsaday. Saqiirkooduu birta ka aslay. Hal-doorkooduu dil ugu hanjabay. Iyaguna isma dhiibin. Ma aysan quusan. Aakhirkiina gurmad samaawi ah ayay heleen.

Su’aasha ay naga mudan tahay maalinta Caashuura inaynu isweyddiinno ayaa ah ilaa intee le’eg ayaynu garab iyo hiil u noqoneynaa siyaasadda fircooniga ah? Siyaasadda fircooniga ee qof Muslim ah oo Soomaali ah oo weliba isagoo ku hor taagan la oranayo adigu waxaad tahay dhibic shan (0.5)? Ilaa intee le’eg ayaynu garab iyo hiil u noqoneynaa siyaasadda fircooniga ah ee Soomaali kale ku oranayso adigu xaq ugu ma lihid talada sare ee dalka oo annaga waxaa nala yiraah qabiillada afarta ah? Ilaa intee le’eg ayaynu garab iyo hiil u noqoneynaa siyaasadda fircooniga ah ee faquuqday, damqisay, cabburisayna qof Soomaaliyeed? Yaa se markii horeba xaq u siiyay siyaasiyiintii Carta inay bulsho dhan oo dalka xaq ku leh ay ku shaabbadeeyaan inay yihiin beel nus ah? Haddiise la yiri 4.5 waa xal lagu gaarayo qarannimo, maxaa ilaa 2000 looga gudbi la’ yahay? Maxaa qeyb ka mid ah bulshada nasiibka u siiyay qoondada nuska ah? Maxaase diidayo in markii ay doorasho dhaceysaba qoondada nuska ah lagu wareejiyo mid ka mid ah qabiillada afarta ah inta laga guurayo nidaamka 4.5?

Gunaanadkii, Eebbe Weyne dulmiga wuu ka xarrimay Naftiisa. Waa dulmi in siyaasadda fircooniga ah la isku cabburiyo xag metelaad, xag dhaqaale, xag isdhex-gal bulsho, iyo xag bin’aadnimaba. Igu celi su’aashaydii billawga: “Waa maxay sababka uu Fircoon ku mutay in Quraanku yiraahdo jirkiisa waa la badbaadin?” Isla Quraanka ayaa ka jawaabay: Si uu digniin ugu noqdo dadka ka dambeeyo isaga oo hab-dhaqankiisa la yimaado. Qarannimada waxaa xabag isku haysa u ah caddaaladda. Caddaaladdana waxaa aasaas u ah in la baabi’iyo kala sarreynta iyo sedbursiga. Xuska Caashuurana soon keliya ma ahanee wuxuu ina barayaa in laga fogaado siyaadda fircooniga.

Wabillaahi Towfiiq

W.Q. Cabdullaahi Janno 

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.