Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ee 17- sano jirada ka yar oo u gudbay koobka Afrika ee da’yarta

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ee 17- sano jirada ka yar oo u gudbay koobka Afrika ee da’yarta

Muqdisho (WDN)- Xulka da’ arta Soomaaiyeed ee 17- jirada ka hooseeya, ayaa maanta guul taariikhi ah ka gaarey isreebreebka Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA), kadib markii cayaartii kama dambeyska  ee 3 iyo 1 kaga adkaadeen xulka dalka Koonfurta Sudan. Cayaartaasi oo ka dhacdey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa  ay Soomaaliya horey uga badisay dalalka Yuganda iyo Itoobiya.

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ee 17- sano jirada ka yar oo u gudbay koobka Afrika ee da’yarta

Ka gadaal guushaasi ayaa Soomaaliya ay ugu gudubtay ka qeygka Koobka Afrika ee da’yarta ka hooseysa 17 jirka, oo ka dhici doonta dalka Aljeeriya bisha Abril, 2023.

Dabaal degyo xoog leh ayaa ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana mar kaliya is qabsadey rasaas xoog leh oo guusha da’yarta Soomaaliyeed ay keeneen loo ridayo. Waxaana guushani ay macno gaar ah u yeeshay Soomaaliya oo aan dhaayaha saarin guul sidaan u qiimo badan.

Cayaartoyda Soomaaliyeed ayaa dalkooda Soomaaliya usoo jiidey magac iyo maamuus, waxaana guushani tilmaamaysaa horumarka dhanka cayaaraha ee Soomaaliya sameysay, ayadoo dalka dib usoo kabasho dhanwalba ah uu ku jiro, maadaama uu iminka kasoo kabanayo dagaalo ragaadiyey muddo ku dhaw 30 sano.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.