Xukuumadda Soomaaliya oo guddi u saartey ka qaadista xayiraadda hubka

Muqdisho (WDN)- Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay shir aan caadi ahayn oo uu shir gudoomiyey Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre, kaasi looga hadlayey hawlgalada ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Alshabaab iyo sidii dalka looga qaadi lahaa xayiraadda hubka ee saaran.

Golaha Wasiirada ayaa magacaabay guddi ka shaqayn doonna sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraadda hubka ee saaran muddo sanad ku kooban, waxaana guddigani diyaarin doonaa qorshe beesha caalamka lagala hadlayo in Soomaaliya u baahantahay qaadista xayiraadaasi si guul looga gaaro dagaalka argagixisada Alshabaab lagula jiro.

Bishii Janaayo sanadii 1992 ayaa markii ugu horeysay qaraar kasoo baxay golaha Amaanka oo uu tirsigiisu ahaa 733 ayaa Soomaaliya lagu saarey xayiraada hubka, xilligaasoo ahayd sanad ka dib markii ay burburtey dawladdii dhexe ee Soomaaliya.

18-kii bishii Noofembar ee sanaddii 2022 ayaa golaha amaanka waxaa qaraar uu tirsigiisu yahay 2662  muddo sanad ah ku  kordhiyey xayiraadda dhanka hubka ee saaran Soomaaliya, laakiin waxa ay ku dareen qodobo u ogolaanaya Soomaaliya soo iibsashada hubka fudud. Waxaa laga reebay qaraarka golaha amaanka ee xayiraadda hubka, dalalka shisheeya ee ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya .

Magacaabista xukuumadda Soomaaliya ee guddiga qaadista xayiraadda hubka ayaa ah tallaabo muujinaysa sida dawladda federaalka uga go’antahay sidii xayiraadaasi loo qaadi lahaa. Maadaama dawladda Soomaaliya wajahayso dagaallo adag oo dalka looga sifeynaayo kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, oo maamusha qeybo badan dalka ka mid ah, iyadoo bilihii u danbeeyey magaalooyin muhiim ah lagala wareegay.

Maxamed Cumar
Muqdisho, WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.