Xukuumadda Soomaaliya oo daahfurtey tartanka iibka qandaraasyada dawladda

Muqdisho (WDN)- Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay tartanka iibka qandaraasyada xukuumadda ee ku saabsan sahayda, gaar ahaan keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka loogu talagalay laamaha amniga ee  xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud ayaa sheegay in ay muhiim tahay horumarinta hannaanka daahfuran ee iibka qandaraasyada dowladda si ay bulshadq Soomaaliyeed uga wada faa’ideysato  qandaraasyada dowladda islamarkaana loo maareeyo hab daaffuran.

Wasiir Cilmi oo arrinta mashruucaan ka hadlayay ayaa yiri “Waxa aan maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka tartanka iibka qandaraasyada dowladda ee ku saabsan sahayda, gaar ahaanba keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay laamaha amniga ee  Soomaaliya, waxaanna u samaynay hab casri ah oo si daahfuran loogu iibsan karo kaasi oo aan dhawaan taabbagelin doonno”.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa habka maaliyadda dalka u maareynaysa nidaam ku dhisan daahfurnaan kaasi oo qeyb ka ah dadaalada ay ku doonayso in ay ku kasbato kalsoonida beesha caalamka si kor loogu qaado soo jiidashada maalgashiga caalamiga, isla markaana ay u fuliso shuruudaha hay’adda lacagta adduunka iyo baanka adduunka ee ku saabsan dadaalada deyncafinta dalka oo dawladda meel fiican gaarsiisey.

Maxamed Cumar Aadan

WardheerNews, Muqdsiho