Xukuumadda Soomaaliya iyo dayaaradaha Mareykanka oo beegsadey maleeshiyaadka Alshabaab ee deegaanka Ceeldheere

Muqdisho (WDN)- Hawl gal qorsheysan oo  Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyaadka deegaanka ee Macwisleyda, saacado badan qaatay ka fuliyay deegaanka Ceeldheere oo dhaca xuduudda gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Hawlgalka oo lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixsada ah ee Alshabaab, oo goobtaasi isku urursanayey.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Alcadaala, oo shir jaraa’id u qabtay warfidiyeenada ayaa sheegay in howlgalka oo ay barbar socotay duqeyn cirka oo ay fuliyeen diyaaradaha duuliye la’aanta ee ciidamada Mareykanka lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab.

Md. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay ku dhawaad 100 xubnood oo isugu jiray maleeshiyo iyo saraakiil, inkasta oouu ka gaabsaday khasaaraha dhinaca howlgalka ciidmada dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka kasoo gaaray.

Sidoo kale Md. Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in  argaxisadii deegaanka Ceeldheere isku urursanay lagal wareegay, isla markaana haatan ay deegaankaas ku sugan yihiin ciidamada xoogga iyo kuwa macawisleyda.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtey in  Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Nabadsugida ay ku daba jiraan saraakiil ay sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo baxsaday, waxaana  xukuumaddu balanqaadey in howlgalada lagu baacsanayo kooxda Al-shabaab uu sii socon doono inta laga ciribtiraayo oo dhibaatadooda laga dulqaadaayo shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.