Saturday, June 29, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Xujeydii Soomaaliyeed oo ku xaniban Maka: Musuq iyo maamul xumo hadheeyay gudashada Xajka

Maka Al Mukarama (WDN). Gudashada Xajka oo ka mid ah tiirarka Diinta Islaamka, ayaa waxa dalka Sacuudigu uu sanad kasta marti geliyaa dad gaadhaya 3-4 milyan oo matalaya 200 oo wadan, si ay u gutaan Xajka 8-12-ka bisha Dul Xija ee  Taariikdha Islaamka, Hijriya. Shacbiga Soomaaliyeed oo ka mid ah caalamka Islaamka oo dad tiro badani ay uga yimaadeen gudasha Xajka, ayaa waxa la soo darsa dhibaatooyin badan oo soo noq-noqda. Kuwasi oo ka sii daraya sanad kasta sanadka xiga, kuna aadan musuq iyo fawdo dhinaca maamulka iyo maareynta lagula kaco shacbiga Soomaaliyeed inta ay ku jiraan gudashada Xajka. Kuwaasi oo ay ka mid yihiin:

Buurta Carafa, Maka (xaqa Sawirka MOHAMMED AL-SHAIKH/AFP/Getty Images)

1) Kharashka laga qaado Xujeyda Soomaaliyeed oo aad u sareeya, marka la barbar dhigo dalalka dariska ah  ee Kenya iyo Itoobiya.
2) Safarka iyo qaabka dadka Xajka tegaya loo maamulo (Diyaaradda) oo ay hadhayso fawdo iyo nidaam daro.
3) Deegaanada la dejiyo oo aad u liita.
4) Maamulka sare ee wasaarada dowladda federaalka u qaabilsan Arimaha Diinta oo ka dhigtay gudashada Xajka fursad dhaqaale.

Haddaba iyada oo ay jiraan dhamaan dhibaatooyinkaasi, ayaa sanadkan 2024 waxa la soo darsay Xujeyda Soomaaliyeed tacadiyo badan, iyaga oo ilaa hadda ay ku xaniban yihiin magaalada Maka diyaarad la’aan, kadib marki ay soo dhamaysteen gudashada Xajka. Dadkaasi oo aan haysan diyaarad dib ugu  soo celisa goobihii iyo deegaanadii ay ka yimaadeen ee Soomaaliya.

Wasiir Mukhtaar Roobow

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu mas’uul ka ah maareynta iyo maamulka Xujeyda, ayaa la sheegaya in ay u xidhay dhamaan Safarada ama qaadista iyo dib u soo celinta Xujeyda Shirkada Diyaarada ee Daallo, iyada oo aan la eegin  awoodda shirkadaasi Daallo ay ku maareyn karto safarada Xujeyda. Arintaasi oo keentay in Xujeydii ay ku xanibmaan magaalada Maka, halka dhamaan caalamkii Xujaaj-toodii ay dib ugu noqdeen wadamadii ay ka yimaaden oo gabaabsi yihiin inta ku hadhay Sacuudiya

Wararka soo gaadhaya shabakada WardheerNews, ayaa sheegaya Wasiirka DFS u qaabilsan Arimaha Diinta Mukhtaar Roobow, iyo nin la dhashay in ay u rogeen gudashada Xajka meel laga raadsado fursad lacageed iyo hanti adduun.

Wasiir Roobow ayaa la sheegaya in uu masuulyadiisii Wasarada ku soo koobay sidii loo musuqi lahaa shacbiga raba gudashada Xaj-ka dhaqaalana uga kasban lahaa, isaga oo hadda ku mashquulsan cida raacaysa Diyaarada iyo cida laga reebayo (clerical duties).

Dad badan oo WardheerNews la soo xidhiidhay ayaa sheegaya in shirkadaha ka shaqeeya Xujeyda ay muujiyeen dadaal sidii adeeg tayaysan loogu sameyn lahaa Xujeyda Soomaaliyeed, hase-yeeshee ay fawdada iyo dhibaatadu ka timid wasaarada, iyada oo shirkadahaasi shaqadoodii ay kala wareegtay Wasaarada Arimaha Dinta ee Muqdisho, oo uu hor kacayo Wasiir Roobow iyo walaalkiis! Taasi oo keentay musuq iyo maamul xumo.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.