“Xoogga ay Raggaan Nagu Haystaan”: Si Xun Uga Faa’iidaysi iyo Tacaddi Galmo oo Ciidamada Midowga Afrika ay Ka Geysteen Soomaaliya

Soo Koobid

Waxaan ka cabsi qabay inuu dib u soo laabto oo uu mar kale ikufsado amaba uu idilo. Waxaan doonayaa in dawladdu ay ogaato awooda ay nimankan leeyihiin iyo xoogga ay nagu haystaan oo ay naga ilaaliyaan. —Farha A., oo ah dhibane uu kufsaday askari AMISOM ah ayaa sidaa sheegtay iyadoo joogto Muqdisho bishii Febraayo 2014-ka.

AMISOM_ MogadishuBishii Juun ee sanadkii 2013-ka, turjumaan Soomaali ah oo ka shaqeeya Xarunta sare ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa la hadlay gabadha 17 sano jirka ah ee lagu magacaabo Aziza D.—ma aha magaceeda saxda ah—markaa ayuu ka codsaday inay “la saaxiibto” askari Yugaandhiis ah. Wuxuu gabadha oo ku rafaadsanayd mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho u sheegay in askarigu uu u samayn karo wax weliba oo ay u baahnayd hadii ay ula dhaqanto “sidii ninkeeda oo kale” oo “ay raaxo dareensiiso.”

Kadib markii ay askarigii la kulantay oo ay u cadaatay in looga baahanyahay in loo galmoodo ayay dib u fakartay, turjumaankii ayaa u sheegay in aanay bixi karin oo weliba calaacalkeedii iyo oohinteedii ahayd in aanu uga tagin kaligeed ninka ayuu iska indha tiray. “Markii aan diiday inuu igu soo socdo askarigii ayuu aad u xanaaqay, wuxuuna dib ugu yeeray turjumaankii, markaa ayuu af Soomaali iigu cagajugleeyay,” sidaa ayay Human Rights Watch u sheegtay.

Sanooyin badan oo dagaalo iyo abaaro ay ka jireen Soomaaliya ayaa sare u qaaday nuglaanshada haweenka iyo gabdhaha la midka ah Aziza D., taasoo keentay in tobanaan kun ay ka barakacaan reerohooda, iayagoo inta badan ay ku khasabto inay ka fogaadaan nimankooda ama aabayaashood ama ilaalada qabiilkooda. Iyagoon haysan wax kharash ah ama shaqo ah, haween iyo gabdho badan ayaa ku tiirsan caawinaad xagga dibada ah, taasi ayaana ku khasabto inay sameeyaan waxay awoodaan oo dhan si ay u dabaraan naftooda iyo tan qoyskooda.

Qaramada Midoobay, Human Rights Watch, iyo hay’ado kale ayaa wax ka qoray tacaaddiyo badan ee ku salaysan jinsiga oo loo geysto gabdhaha iyo haweenka Soomaalida ah, gaar ahaan kuwa barakacayaasha ah. Si kastaba, ku lug lahaanshaha askarta AMISOM ayaa inta badan waxaa iska indha tiray madaxda hawlgalka iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah.

Warbixinta oo dhan ka akhri halkan

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.