Muqdisho, Maarso 07, 2017 (WDN)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Xarrunta dalka Soomaaliya safar aan hore loo sii shaacinin ku yimid Xogahayaha cusub ee QM Antonio Guterres.
Md.Antonio Guterres waxa uu kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka SoomaaliyaMd.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Iyagoona Ka wada dadlay arrimaha Soomaaliya iyo xaaladda adag eehadda Hada wajahayso xukuumadda cusub Ee Soomaaliya.
Dhanka kale Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Ayaa sheegay in muhiimadda uu u yimid Soomaaliya ay tahay sidii uu qiimeeyo xaaladda abaaraha ka jira Soomaaliya, isagoona sheegay in ay si degdeg ah u bixin doonaan lacagihii gargaarka ee ay ballan qaadeen.
Madaxweyane Farmaajo oo saxaafadda goobta kula hadlay ayaa sheegay In Xoghayaha Guud ee QM iyo wafdiga uu horkacayo Imaashahooda Soomaaliya ay tahay in ay qiimeeyaan abaaraha ka jira Soomaaliya.
Farmaajo ayaa dhinaca kale ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo qurbo-joogtu inay ka qeyb galaan dadaallada looga soo kabanayo abaaraha, si loo yareeyo saameynta abaaraha ee dalka.
Xogahayaha cusub ee QM Antonio Guterres ayaa sheegay in 6.2 milyan oo Soomaali ah ay hadda qarka u saaran yihiin macaluul, waxa uuna intaa ku daray in ay ka dalbanayaa waddamada deeqaha Bixiya 825 milyan oo dollar si wax looga qabto xaaladda macaluusha ka jirta Soomaaliya. Imaashahiisa ayuu sheegay in ay tahay mid indhaha caalanka loogu soo jeedinayo si arinta abaarta wax looga qabto.
Waxaana Uu Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay magaaladaMuqdisho ugasiigudbay magaalada Beydhabo ee gobolka Baay oo ka mid ah deegaannada ay abaartu sida ba’an u saamaysay si uu indhihiisa ugu soo arko dhibaatada abaartu gaarsiisantahay.
Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply