Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo booqasho ku yimid magaalada Muqdishu ee caasimadda Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo booqasho ku yimid magaalada Muqdishu ee caasimadda Soomaaliya

Muqdisho (WDN)- Waxaa magaalada Muqdisho booqasho ku soo gaadhay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Md. Antonio Guterres. Booqashada Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay Md. Guterras ayaa lagu sheegay in ay ka mid ah booqshooyinka uu xoghayuhu ku tago wadamada Islaamka inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaanka, isaga oo u kuur geli doono arimaha ku aadan abaaraha iyo dagaaalada argagixisada ee Soomaaliya.  

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo M/weyne Xasan Sheekh

Xoghaye Guterres ayaa markii uu ka soo degay gegida diyaaraddaha ee Adan Cadde, oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Md. Abshir Cumar Huruuse iyo Ku-Simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Anita Kiki Gbeho, loo galbiyey madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo uu ku qaabilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghaye António Guterres ayaa ka arrinsaday iskaashiga labada dhinac, qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay tahay in gargaarka iyo waxqabadka Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Soomaaliya ay xoogga saaraan, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta. 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka waramay culeysyada iyo xaaladdaha adag ee ay dowladda Soomaaliya wajahayso, kuwaasi oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, saboolnimada iyo colaadaha sokeeye. 

“Tani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go’an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka. Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta”. 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres booqashadan uu ku yimid dalkeenna, waxa uuna ka rajeeyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago gaaridda hiigsigooda ku aaddan Soomaaliya horumarsan, xasilloon, door wanaagsanna ka qaadata Gobolka. 

Dhankiisa, Xogahaye António Guterres ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo dhaweynta diirran ee uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu fahamsan yahay xaaladaha binu aadantinimo ee ay la soo darsay dowladda Soomaaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka. 

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka KG Marwo Shamso Maxamed iyo Xoghaya Guud ee QM Antonio Guterres, Baydhabo

Ka dib kualnkii madaxtooyada ee Antonio Guterres iyo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, xoghayaha u kicitimay magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah Koofur Galbeed. 

Wafdiga Xoghaya Guud waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhoweeyay ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Marwo Shamso Maxamed Yarow, Wasiirro ka tirsan Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo. 

Guterres ayaa Kormeer ku maray qaar kamid xeryaha ay daganyihiin dadka Barakacayaasha ee ay saameysay Abaarta daran ee ku dhifatay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliyeed. 

Mr Guterres ayaa booqashadiisa la xiriirtaa Arrimaha bani’aadanimada iyo taageerida howlgalka ay hoggaamineyso dowladda Federaalka ee la dagaalanka  Al Shabaab.

Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.