Muqdisho, – Waxaa maanta bilaabanaya todobaadkii gobannimada iyo midnimada Soomaaliyeed. 26ka June waa maaliintii ugu horreysay ee shacabka Somaaliyeed ee ku jiray gumeysiga Ingiriiska uu qaatay gobonnimada. 1da July waa maalintii koonfurta Soomaaliya ay ka xorrowday gumeysigii Talyaaniga. Isla maalintaas waxey taariikhda ku gashay maalintii MIDNIMADA iyo badaxbanaanida Somaaliyeed, iyadoo dowlad mid ahi ay u dhalatay gobollada waqooyi iyo kuwa koonfureed. Waxaa kale oo aan la hilmaami karin 27ka June oo ayaduna ah maalintii gobannimada walaalaheen Jabuuti.
Sidaas darteed, usbuucan wuxuu mudanyahay xasuus gaar ah iyo in la qadariyo, taariikhdooda la xuso, loona duceeyo dhammaan odayaashii iyo hooyooyinkii usoo halgamay gobannimada Somaaliyeed. Waxaa xusid mudan in aan ku wada baraarugno xaalladda murugada leh ee maanta Soomaalidu ku sugantahay oo la dhihi karo waa ka weecasho ama gaabis madarihii gobannimida iyo MIDNIMADA.
Xisbiga MIDNIMO QARAN wuxuu u hambalyeynayaa shacabka Somaaliyeed, wuxuuna xasuusinayaa in farxadda xuska lagu daro baroorasho, qoomameyn iyo tooba-keen wixii ka dhacay Soomaaliya iyo burintii ballantii iyo himilladii aabayaashii iyo hooyooyinkii gobonnimada dhaliyay. Waxaa kale oo xisbigu u hambalyeynayaa shacabka aan walaalaha nahay ee reer Jabuuti.
Xisbiga MIDNIMO QARAN wuxuu u taaganyahay in uu soo celiyo midnimada ummadda iyo wada-tashiga. Xisbigu wuxuu horseedayaa soo celinta wadajirka ummadda oo aan lagu kala qaybin diinta, dawladnimada iyo deegaanka. Xisbigu wuxuu rumeysanyahay in arrinkaasu suuragal noqonayo oo kaliya marka la wada qabsado xariga dastuurka iyo qawaaniinta dalka, lana kobciyo xornimada muwaadiniinta iyo ku dhaqanka dimoqraadiyadda.
Gudoomiyaha Xisbiga Midnimo Qaran
Cabdulraxmaan Cabdullaahi (Baadiyow)
Leave a Reply