Muqdisho, Munaasabad ballaaran oo lagu dhaarinayey 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu soo doortey degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa maanta ka dhacdey magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdisalaan Axmed Dhabanacad iyo xubnaha guddiga hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya.
Dhanka kale guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdisalaan Axmed Dhabanacad ayaa sheegay in ay weerar kusoo qaadeen ciidamada nabadsugidda Soomaaliya, kaasi oo ujeedadiisu ahayd in la isku hortaago dhaarinta xildhibaanada cusub. Balse taasi aysan ka hor istaagi doonin dhamaystirka doorashada guddoonka golaha shacabka.
Maalinta berri ah ayaa la filayaa in ay dhacdo dorashada guddoonka aqalka sare ee Soomaaliya ayadoo maalmihii lasoo dhaafey musharaxiinta u taagan guddoonka labada aqal ay hadaljeedintooda sameeyeen.
Mohamed Omar Aden
Wardheernews, Muqdisho