Muqdisho, (WDN)- Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa dhaliilay qaabka hadda ay u socoto howsha maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo shirka Kismaayo ka socda.
Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Aadan (Sandheere) ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay Radio Wardheer, waxa uu ku sheegay in sida ay hadda wax u socdaan ee arrimaha Kismaayo ay isaga ula muuqato in cawaaqib xun ay ka dhalan kareyso.
Xildhibaan Sandheer, ayaa soo jeediyay intii lagu deg degi lahaa maamul u sameynta Jubbooyinka, ay marka hore habbooneyd in dadka gobolladaasi dega ay wada hadlaan is cafiyaan, markaa ka dib uun laga shiro sidii maamul loo sameysan lahaa.
Dhanka kale xildhibaan Sandheere ayaa ugu baaqay dadka matala Jubbaland in ay ayahooda iyaga u madax bananaadaan, ayna meesha ka baxaan buu yiri, siyaasadaha shisheeye, oo sida muuqata xildhibaanku sheegay inay ku lug leeyihiin arrimaha Kismaayo.
Shirka maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa ismaandhaaf badan ka dhex dhaliyay bulshada Soomaaliyeed iyadoo dawladda federaalka Soomaaliyana ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.
Wareysiga Xildhibaanka, oo dhinacyo badan taabanaya, dhawaan, ayaad ku maqli doontaan barnaamijka Raadraac ee Radio Wardheer, hadduu ALLE idmo.
Dhinac kalena barlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Md. Cabdi Faarax iyo wasiirka arimha dibada Md. Cabdi Kariim Xuseen inay horyimaadan baarlamaanka , si halkaasi loogu weydiiyo su’aalo la xidhiidha dad xabsiga ku jiray oo lala baxay islamrkaana maydadkooda laga helay magaalada Muqdisho. Dadkaasi la dialy oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen ururka Al Shabaab. Baarlamaanka ayaa sheegay in codsigooda ku aadan inay mas’uuliyintaasi hor yimaadaan baarlamaanka uu ku eegyahay inta ka horeysa bishan Abril 14. Keeda
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews.com
Muqdisho,Soomaaliya
Leave a Reply