Muqdishu (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Kismaayo, ee xarunta ku meel gaadhka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa sheegaya in maanta la xidhay Xildhibaan Axmed Cabdi (Axmed Taajir), oo maalintii shalay aheyd uu Baarlamaanka Jubbaland ka qaaday Xasaanaddii (immunity). Arintan ayaa ka damabeysay markii lagu soo eedeeyay Md. Taajir fal dambiyeed ah in uu ku kacay been abuur ku aadan liis Xildhibaano (forged signature) uu hormuud ka ahaa, kuwaasi oo waday qorshe Mooshin lagu kala dirayay Golaha Wasiiradda Jubbaland.
Md. Taajir ayaa xildhaano badani ku eedeeyeen in uu si been abuur ah, oo aanay waxba kala socon uu magacyadooda oo wata saxiix aan dhab aheyn, ugu daray liiska Xildhabaano soo jeediyay Mooshin kalsoonida lagala noqonayay Golaha Wasiirada Jubbaland.
Wararka Mooshinka ka dhanka Dowlad Goboleedka Jubbland, ayaa maalmahanba la is la dhexmarayay magaalada Kismaayo iyo guud ahaan Soomaaliya.
Qorshaha Mooshinkaasi lagu kala dirayay Xukuumadda Jubbaland, ayaa la sheegayaa in uunan qabsoomin, kadib markii uu buuxin waayay tirada looga baahan yahay in Mooshin la horkeeno Baarlamaanka Jubbaland, tiradaasi oo ah 20 Xildhibaan.
Md. Xasan Taajir, ayaa sheegay in uu wali yahay xildhibaan, xasaanaddana lagaga qaaday si aan sharciga waafaqsaneyn
Waraka ayaa sheegay in aanay wax rabshado iyo qalalaase toona ka dhicin goobtii laga kaxeeyay Md. Taajir iyo guud ahaan magaalada Kismaayo.
WardheerNews, Muqdishu
Leave a Reply