Xiddiggii Kubbadda Cagta Cali Muuse Yoonis oo ku geeriyooday magaalada Dirdhaba

innaa lilaahi wa inaa Ilayhi Raajicuun

IMG-20160317-WA0001
Cali Muuse (kuwa fadhiya midig ka labaad)

Ilaah  naxariistii janno ha siiyee waxaa maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Dirdhaba ee dalka Itoobiya ciyaaryahankii weynaa ee kubbadda cagta ee xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxdii Wagad u safan jiray marxuum Cali Muuse Yoonis.

Marxuum cali Muuse Yoonis oo ahaa shakhsi magac ku dhex leh guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed gaar ahaana bahda Isboortiga ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Dirdhaba halkaas oo uu maalintii shalay ee ay taariikhdu ahayd 16/03/16 uu ku geeriyooday.

Marxuuma Cali Muuse waxa uu ku dhashay magaalada Dirdhaba halkaas ayuuna waxbarashadiisa ku qaatay, ka dibna waxa uu ka mid noqday kooxaha kubbadda cagta ee ka jiray magaalada Dirdhaba isagoo horraantii toddobaataneeyadiina ku biiray kooxihii ka jiray magaalada Addis Ababa.

XIlligii dagaalkii Soomaaliya iyo IToobiya 77/78 marrxuum Cali MUuse waxa ka mid ahaa dhalinyarii ka soo cararay caddadiskii taliskii Mingiste, waxaanu u soo wareegay dalka Soomaaliya, Ka dib marxuumku wax uu ku biiray kooxdii heerka 1aad ee Wagad isagoo islamarkaana ka mid noqday xulka kubbadda cagta ee qaran Soomaaliya. Sannadihii dambe ee siddeetaneeyadii waxa uu marxuum Cali Muuse u wareegay dalka Yaman isagoo tababare u noqday kooxihii dalka Yaman.

Markii uu isbeddelku ka dhacay dalak Itoobiya marxuum Cali Muuse Yoonis waxa uu dib ugu soo noqday dalka Itoobiya, waxaana loo magacaabay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI xilligii uu madaxweynaha ka ahaa Iid Daahir.

Marxuum Cali Muuse Yoonis waxa uu ahaa shakhsi  ku caan baxay ciyaar wanaag, akhlaaq fiican, cibaado badan iyo deeqsinimo. Waxa uu ahaa shakhsi qaali ah oo ay guud ahaanba dadku aad u jecelyihiin, gaar ahaana bahda Isboortigu.

Marxuumku waxa uu ifka kaga tagay shan carruur ah oo ay u kala dhaleen laba xaas.

Haddii aanu nahay bahda WardheeNews waxaanu marxuumka Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo qoyskii, ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo .

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun 

WardheerNews