Xasan Sheekh oo wada la tashiyo ku aadan soo xulista RW xilli uu xilka si rasmi ah ula wareegi doono berri

Xasan Sheekh oo wada la tashiyo ku aadan soo xulista RW xilli uu xilka si rasmi ah ula wareegi doono berri

Muqdisho (WDN) Madaxweynaha dhawaan la doortey ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa wada kulamo uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee siyaasiyiinta, maamul goboleedyada dalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshad. Kulamadaasi oo ujeedadoodu tahay la tashi ku aadan soo magacaabista Raiisal Wasaaraha dalka.

Md. Xasan Sh. Maxamuud

Warar hoose ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu wado la tashigii ugu danbeeyey ee soo xulista Ra’iisal Wasaaraha xukuumadiisa, xilli madaxda maamul goboleedyada ay wadaan qorshayaal ay ku saamaynayaan madaxweynaha.

Bishan May,23-ka oo maalinta berri ah, ayaa la filayaa in madaxweynaha cusub uu si rasmi ah ula wareego xilka. Waxaana maalintii shalay ahayd hawlahaasi ay ka wada hadleen isaga iyo madaxweynaha talada wareejinaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

15-kii bishaan ayey ahayd markii loo doortey Xasan Sheekh Maxamuud xilka madaxweynaha 4ta sano ee soo socota.

Maxamed Cumar Aada
WardheerNews, Muqdisho