Xasan Sheekh oo shacabka Soomaliyeed ka codsadey in gurmad degdeg ah lala gaaro dadka abaaruhu saameeyeen

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii 2aad ku sugan xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed, ayaa maanta u kuur galay xaaladda abaaraha ee deegaanada maamulkaasi dhuftey isagoo uu wehliyo madaxweynaha maamul goboleedkaasi C/casiis Laftagareen.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa baaq u direy shacabka Soomaaliyeed meelwalba ay joogaan in ay gurmad degdeg ah la gaaraan walaalahood abaaruhu aadka u saameeyeen.

Madaxweyne Xasan oo shacabka Soomaliyeed ka codsadey in gurmad degdeg ah lala gaaro dadka abaaruhu saameeyeen. Baydhabo

Madaxweynaha oo maalintii labaad magaalada Baydhabo booqasho ku jooga kuna hawlan u kuurgelidda xaaladda abaarta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ah halka ugu badan ee dhibaatada abaaraha laga soo sheegayo, waxa uu sheegay booqasho uu ku tagey xerooyin ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo abaarta darteed deeganadooda uga soo kacey in dalka xaalad adag uu ku jiro dawladiisuna ay ku hawlantahay sidii loogu gurman lahaa dadka dhibaatadu heysato.

Xasan Sheekh oo ummadda Soomaaliyeed baaq udiraya ayaa yiri ” Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in dadka ay abaaruhu saameeyeen loo gurmado, wixii aynu haysanno lala wadaago, garab-istaag iyo walaalnimana loo muujiyo. Sidoo kale in ubadka Soomaaliyeed ee xeryahan ku jira lala gaaro adeegyada bulshada ee asaasiga ah oo ay ku jiraan dhismaha goobihii ay wax ku baran lahaayeen.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” dawladda federaalka mudnaanta 1-aad waxa ay siinaysaa wax ka qabashada xaaladda bini aadminimo ee dalka ka jirta sidaa daraadeed waxaan wadnaa dadaallo gudaha iyo dibedda ah sidii si degdeg ah gaargaar loo gaarsiin lahaa dadka dhibaatada abaaruhu saameeyeen inta aysan macluul isu badalin”.

Md. Xasan Sheekh iyo madaxda koonfurgalbeed ayaa soo kormeerey kaamam ku yaala magaalada Baydhabo, oo ay ku jiraan dad barakacayaal ka soo hayaamay deegaanadoodii abaarta jirta awgeed.

Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo ku weheliyay Madaxweyne Xasan , ayaa ka mahad naqay booqashada madaxweynaha Soomaaliya waxa uuna ka codsadey in waxqabad dhab ah oo la xiriirka gurmadka abaaraha dawladda la imaato.

Maamulka koonfur galbeed ayaa ah midka ay abaaruhu sida weyn u saameeyeen isla markaana magaalooyiin badan oo badan go’doomiyeen maleeshiyaadka dhaq dhaqaaqa Alshabaab oo ay adagtahay sidii gurmad loo gaariin lahaa.

Wafdiga madaxweynaha socdaalka Baydhabo ay ku tageen oo loogu magac darey ” Tareenka Nabadda ” ayaa ah socdaal guud ahaan maamulada dalka ku tagi doonaan ujeedada ugu muhiimsanna uu yahay wax ka qabashada xaaladda bini aadminimo oo ah middii ugu xumeyd ee dalka ka dhacda muddo sanado ah, taasi oo halis gelisey nolosha 6 milyan oo Soomaaliyeed.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.