Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Maamul Gobolleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, ayaa dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed oo ay yeelanayso degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Garoonkaasi oo loo dhisi doono hab casri ah oo la jaanqaadi doona hab dhismeedka garoomada caalamiga ah.
![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2022/11/Dhagax-dhiga-garoonka-Cadalle.jpg)
Garoonkaan ayaa la sheegay in dhawaan dhismihiisu bilaaban doono, waxaana uu wax badan kusoo kordhin doona horumarka deegaanka iyo isu socodka bulshada deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulkaasi Hirshabeelle.
Md. Cali Guudlaawe ayaa si aad ah usoo dhaweeyey dhagax dhigga garoonka degmada Cadalle, ayaa xusay in bulshada Hir Shabeelle farxad ay u tahay in Madaxweynaha Xasan uu garoonkaasi dhagax dhigo, isagoo tilmaamay in uu wax badan ka tari doono horumarka bulshada Hirshabeelle sidaasi daraadeedna la dadajin doono dhismihiisa.
Md. Guudlaawe ayaa tilmaamay in garoonka degmada Cadalle ee maanta la dhagax dhigey uu qeyb ka yahay mashaariic horumarineed oo ballaaran oo maamulkiisa qorsheeyey inuu ka fuliyo guud ahaan deegaanada Hir Shabeelle, balse muhiim ay tahay in dhamaan deegaanada maamulkiisa laga xoreeyo kooxda argagixisada Alshabaab oo caqabad ku ah xasiloonada iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.
Tallaabta maanta uu ku dhigax dhigey Madaxweynaha Soomaaliye Xasan Sheekh garoonka degmada Cadalle ee Shabeelaha Dhexe, ayaa qeyb ka ah fulinta balamo hore uu u qaaday ee ah in adeegyada muhiimka ah la gaarsiin doono deegaanada laga horeeyo kooxda Alshabaab. Deegaanka Cadale iyo tuulooyin muhiim ah oo hoos yimaada ayaa ka mid haa deegaano ay dhawaan ciidamada xoogga iyo maleeshiyaadka Macawisleyda ay ka xoreeyeen Al Shabaab.
Dawladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtey in deegaanada laga xoreeyo Alshabaab la gaarsiin doono adeegyada muhiimka ah bulshada sida caafmaadka, waxbarashada, garoomo cayaaro, xarumaha cadaaladda iyo saldhigyo boolis kuwaasi oo dhamaan ka qayb qaadanaya xasiloonada bulshada iyo horumarkeeda.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply