Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta daah furay shirka sannadlaha ah ee Garsoorka dalka. Madaxweyne Xasan ayaa halkaasi ka jeediyey hadal u badnaa mudnaanta dawladiisu siinayso garsoorka iyo horumarintiisa iyo sida garsoorka qeyb uga qaadan karo xasilinta dalka.
![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2023/01/Xasan-Sheekh-shirka-garsoorka-dalka.jpg)
Md. Xasan ayaa tilmaamay in dawladda Federaalka ay qaadday tallaabooyin muhiim u ah awoodsiinta garsoor hufan oo ku dhisan cadaallad, isagoo xusay in shirarkii Madasha Wadatashiga ee Muqdisho ka dhacey intuu xilka qabtey lagu guuleystay in la ansixiyo hannaanka federaaleynta garsoorka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in dowladda federaalka ka go’an tahay adkeynta madax bannaanida iyo kalsoonida shacabka ay ku qabaan hay’addaha caddaaladda dalka, dawladana looga baahanyahay in ay ka shaqayso sidii bulshada ku heli lahayd cadaallad. Taasi oo dhalin karta in bulshada ku kalsooni qabaan dawladda iyo hay’adahooda garsoorka.
Madaxweynaha oo ahmiyadda garsoorka iyo u cadaallad falidda bulshada ka hadlaya waxa uu yiri “Garsoorku waa madax bannaan yahay golaha sare ee adeegga garsoorka waxaa loo sameynayo waa in aan la faro gelin. Ma dooneyno dalka Soomaaliya guduhiisa in ay ku noolaadaan labo muwaadiniin oo kala xuquuq ah oo la kala faddilo.”
Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday maamulada dalka ka jira qaar oo uu tilmaamay in go’aanka ay rabaan iska qaadanayaan isagoo ula jeeda go’aankii dhawaan kasoo yeeray maamulka Puntland ee ay xariirka ugu jartey dawladda federaalka ayaa yir i“Labo waxyaalood waa in aan la isku khaldin, dalka in la federaaleeyo waa mid ku saleysan in dalku hal yahay,midda kale dalka in la federaaleeyo macnaheeda ma ahan in qofba meesha uu rabo uu iska aadi karo oo dalku kala tago, maya taas”.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply