Xasan Sheekh oo ciidamada Ereteriya dhawaan laga keenay ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dagaalka lagula jiro Alshabaab

Xasan Sheekh oo ciidamada Ereteriya dhawaan laga keenay ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan  dagaalka lagula jiro Alshabaab

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho ku booqdey ciidamada xoogga dalka ee tababarka kusoo qaatay wadanka Ereteriya. Waxa uuna ku wargeliyey in qarankii mudada dhawrka sano ah ay usoo tababaranayeen uu maanta uga baahanyahay in ay ka difaacaan argagixisada Alshabaab.

Xasan Sheekh oo ciidamada Ereteriya dhawaan laga keenay ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dagaalka lagula jiro Alshabaab, Muqdisho

Madaxweyne Xasan ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan qaybta Ilaalo Qaran gaar ahan gaaska 1- aad ee Duufaan, waxa uuna la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay ciidamadan ay ka qaataan dhammeystirka howlgalka lagu ciribtirayo  Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa khudbad dhiirogelin u badnayd u jeediyey ciidamada oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtey, kadib muddo ku dhaw 3 sano oo ay tababar ugu maqnaayeen dalka Ereteriya. Waxaana uu yiri madaxweyne Xasan ” Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina, maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga ummadda. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana aad kusoo afjartaan argagixisada Alshabaab ”.

Ciidamada tababarka kusoo qaatey Ereteriya ayaa la filaayaa in maalmaha soo socda ka mid noqdaan hawlgalada looga soo horjeedo Alshabaab ee ka socda gogoblada koonfurta, waxaana xeeldheerayaasha arimah milatariga sheegayaan in ciidamadani ay saamayn weyn ku yeelan doonaan hawlgalka dawladda ee ka dhanka ah Alshabaab.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho 

Leave a Reply

Your email address will not be published.