Xasan Sheekh iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka oo khadka Teleefanka ku wada hadley

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa wada hadal dhanka taleefanka ah la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken isagoo kala hadlay iskaashiga labada dal iyo taageerada Mareykanka uu siiyo dawladda Soomaaliya.

Md. Xasan Sheekh

Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Blinken uga mahadceliyey taageerada dawladiisa marwalba la garab taagan dawladda Soomaaliya, waxa uuna ka codsadey in sare loo qaado iskaashiga labada dal ka dhaxeeya. 

Qoraal kasoo baxey madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri ” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanka, Mudane Antony Blinken, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada Dal. Madaxweynaha ayaa Dowladda Maraykanka uga mahad celiyey taageerada ay u fidiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Waa mas’uulkii ugu sareeyey oo Ameerikaan ah oo ay si toos ah u wada xiriiraan madaxweynaha JFS Md. Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii la doortey 15-kii bishaan May.

Maxamed Cumar Aadan.
Wardheernews, Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.