Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe oo kulamo la qaatay hoggaanka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta Mucaaradka

Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe oo kulamo la qaatay hoggaanka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta Mucaaradka

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe), ayaa kulan wada jir ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan maamulka Koonfur Galbeed.

Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe oo kulamo la qaatay hoggaanka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta Mucaaradka, Baydhabo.

Madaxweynaha iyo gudoomiyaha ayaa si wada jir ah u sheegay una adkeeyay ahmiyadda uu lu eeyahay shirweynaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed nabadda, wadajirka iyo horumarka deegaanka, waxa ayna ka codsadeen labada dhinac in ay ka miro dhaliyaan shirkaan oo danta guud ee bulshada Koonfur Galbeed waxwalba ka horumariyaan.

Kulanka madaxda dowladda federaalka maanta la qaateen hogaanka maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa waxaa ka qayb galay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan, wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti iyo wasiirkii hore ee Dekadaha Yuusuf Macallin Amiin.

Gogosha shirweynahaan ayaa hore waxaa u fidiyey Gudoomiyaha Golaha shacabka Md. Aadan Maxamed Nuur, waxaana looga gol leeyahay xal u helidda khilaafaadka ka dhashay dib u dhigista doorashada madaxweynaha maamulkaasi iyo caqabado kale oo la xariira in siyaasiyiinta mucaaradka oo la xanibay dhaq dhaqaaqooda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Arrimahaasi oo sababau isku dhac dhiig uu ku daatey oo dhexmarey ciidamada amaanka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad siyaasiyiinta mucaaradka taageersan.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.