Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh ayaa maalintii 2-aad ka qeybgalaya kalfadhiga 31-aad ee shirka madaxda dalalka ku bohoobey Jaamacadda Carabta, kaasi oo diiradda lagu saarayey arrimo dhawr ah oo ay ugu muhiimsanyihiin xal u helidda dhibaatooyinka amaaanka ah ee dalalka Carabta ka taagan,saameynta isbedelka cimilada iyo midnimada dalalka carabta.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirka khudbad dheer ka jeediyey, ayaa madaxda shirka ka qeybgalaysa uga warbixiyey xaaladaha dhabta ah ee ka jira Soomaaliya sida khatarta kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxda Alshabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo raadka xoogan ee isbedelka cimiladu ku reebay bulshada sida abaaraha baahan iyo biyo la.aanta.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed waqtigan la joogo ay u baahanyihiin garab istaaga walaalahooda Carbeed si ay uga guuleystaan kooxda mayalka adag ee Alshabaab oo uu sheegay in iminka ay wajahayso culeyso dhaqaale iyo kacdoon shacbi oo ka dhan ah, inkastoo kooxdu madaxweynuhu ku tilmaamay in ay tahay kooxda ugu awoodda badan kooxaha argagixisada ee falalka guracan ka gaysta qaaradda Africa.
Mar uu ka hadlayey saamaynta isbedelka cimilada Soomaaliya ku hayso ayuu madaxweyne Xasan tilmaamay in kala bar shacabka Soomaaliyeed la dhibaateysanyihiin oo ay wajahayaan abaaro xoog leh iyo biyo la’aan baahsan, sidaas daraadeed madaxda dalalka jaamacadda ka codsanayaan in dawladda Soomaaliya ka taageeraan wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi.
Madaxda dalalka jaamacadda Carabta ayaa dalka Algeriga shir muhiim ah ku leh, kaasi oo muddo sano ah u baaqanayey dhibaatooyinka xanuunka caabuqa ee COVID 19, waxaana la filayaa in ay soo saaraan war murtiyeed ay ku mideysanyihiin oo ku aadan go’aanadda arrimaha labadii maalin ay ka dooddayeen, waxaana dawladda federaalka Soomaaliya ku rajo weyntahay in taageero xoogan ka helaan madaxda Algeria ku kulansan.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply