W/Q Cabdiraxmaan M. Abtidoon
Xarunta Cilmi-baarista Soomaalida ee Jaamacadda Roma 3 (Centro Studi Somali) ee ku taala dalka talyaaniga ayaa ah keyd weyn oo laga heli karo buugaag, wargeysyo, cajalado maqal iyo muuqaalba leh, sawirro iyo dukumentiyo qadiim ah iyo kuwa cusuba, raadraacyo iyo macluumaad aan horay loo daabicin.
Xaruntaas oo aan dhawaanahanba dhexjoogay ayaa waxaa ka socda hawl weyn oo ah in keydkaas oo idil lagu uruuriyo barta internet-ka xarunta oo la yiraahdo www.archiviosomalia.it. Bartan ayaa xogaha ku uruursan waxay ku soo baxaan afafka Somali, talyaani iyo ingiriisi.
Xarunta oo ay hawsheedaas culus wadaan Prof. Annarita Puglielli, Prof. Cabdalla Mansuur, Prof Mara Frscarelli iyo hawl wadeenno dhowr ah, ayaa waxaa dhawaan soo gaaray qoraaga
Danjire Maxamed Cismaan Cumar oo wax ka qora taariikhda iyo siyaasadda iyo weliba dhinaca diblomaasiyadda. Danjiraha ayaa wuxuu guddoonsiiyey maamulka sare ee xarunta qaar ka mid ah qoraalladiisa. Danjire Maxamed Cismaan ayaa halkaa ka sheegay in uu rajeynayo in xaruntu gaarsiiso buugtiisa iyo qoraaladiisa kaleba dadweyne aad u tira badan gaar ahaan dhallinyarada cilmi barista sameyneysa.
Madaxa Xarunta Cilmi-baarista Soomaalida Prof. Annarita Pugielli ayaa uga mahadcelisay danjiraha buugtaas uu ugu deeqay xarunta, waxayna ballanqaaday in ay baahin doonaan gelinna doonaan barta internet-ka ee xarunta. Prof. Cabdalla Mansuur ayaa isna sheegay in uu rajeynayo in qorayaasha kalena ay gacan ka geystaan kobcinta keydka xarunta.
Ugu dambeyntiina madaxa xarunta Prof. Annarita Puglielli ayaa guddoonsiisay danjiraha qaamuus afsoomaali ah oo ay xaruntu soo saartay, isagoo danjiruhuna uga mahad celiyey haddiyadaas qiima weyn leh.
Cabdiraxmaan M. Abtidoon
Email: a.abtidon@gmail.com
Leave a Reply