Cabdulqadir Abiikar Xuseen
Magaalada Xamar ee caasimada wadanka Soomaaliya waxay leedahay taariikh dheer; laakiin waxaan la ogayn inay lahaan jirtay jid-xadiid ah oo Tareenku maro. Halkan waxaan ku soo koobay cilmi baaris ku aadan Taariikhdaas Tareenka Soomaaliya siday ahaan jirtay, nooca matoorada Tareenka, baaxada dhulkii uu mari jiray ama istaagyada Tareenka iyo taariikh la xariirta gaadiidkaas Soomaaliay waagaas ka jiray.
Xamar waxay lahayd Istayshan (maxadad) Tareen aad u weyn oo lagu dayac-tiro Tareenka, si hawlaha la xariira gaadiidka habsami ugu socdaan.

Waqtigii Fashisam ka, dawladda Talyaaniga waxaa damac weyn ka galay inay dad Talyaani ah ay dejiso dhul beereedka Dooxada Shabeelle, oo ka soo billaabma Jowhar ilaa Afgooye iyo Janaale. Dhulkaasi waxaa la dejiyay dad Talyaani mustacmiriin ah (Italian colony) dhul beereedkaasi wax soo saarka badan. Jowhar waxaa deggenaa madaxii kolonyada oo la dhihi jiray Luigi Amadeo, oo sitay magaca Duca d’Abruzzi. Sidaas awgeed, waqtigii kolonyada, magaalada Jowhar waxay Talyaaniga ku magacaawdeen “Villagio Duca Degli Abruzzi”.
Si gaadiid ka iyo is-gaarsiinta u hagaagto ayaa waxay Talyaaniga Fashistaha ahaa 1914 ay ka billaaben inay dhiseen jid Tareen ama jid xadiided oo isku xira Moqdishu, Afgooye, Webi Shabeelle raaca dhinaca waqooyi ahaan illaa laga gaaro Jowhar, oo ay dhihi jireen “Villagion di Duca Degli Abruzzi”. Jidka Tareenkaasi dherer kiisa wuxuu ahaa 113 km.
Tareenku markuu Muqdisho ka baxo wuxuu aadi jiray dhinaca galbeed illaa uu gaaro Afgooye. Ka gadaal ayuu raaci jiray webiga Shabeelle meel u muuqata oo dhul beereed ka ah. Dhismaha jidkaasi Tareenku waxuu dhammaaday 1927.
Dhismaha jidka Tareenka ama xadiidka:
Labo qeybood ayaa loo kala dhisay:
|
Tareenkaasi waxaa furfurtay oo qaatay Ingiriiska. markuu uu Talyaaniga ka adkaaday sanadkii 1941 Dagaalkii Labaad ee Adduunyada. Sidaas ayaa Tareenkaasi taariikhdiisa loo iloobay.
Istaagyada Tareenka:
Istaagyada Tareenka | Fogaanshaha (km) |
Mogadiscio | 0 |
Buundada Afgooye | Afgooye agtiisa |
Afgooye | 30 |
Busleey | 48 |
Cadaleey | 66 |
Garsaale | 92 |
Buundada Garsaale | Jowhar agtiisa |
Villagio Degli Abruzzi | 113 |
Waxaa xusid mudan in Tareenkaasi uu mari jiray galbeedka baadiyaha Magaalada Balcad.

Tareenka la adeegsan jiray marka hore wuxuu ahaa nooca “steam engine” ama ku shaqeeya uumiga biyaha (biyo karkaraayo), Laakiin markii dambe waxaa lagu beddelay nooca naaftada ah (diesel). Wuxuu shaqeeyay ilaa 1941. Markii Soomaaliya Ingiriiska uu qabsaday oo Talyaaniga Geeska Afrika looga adkaaday, ayaa Ingiriiska waxay furfureen jidkii xadiidka ahaa; waxayna u qaadeen waddan kale.
Waxaa kaloo taariikhda Soomaalida ka dahsoon in Talyaaniga ay dhiseen si degdeg ah jid Tareen ciidameed oo isku xira Villagio D’Abruzzi (Jowhar) iyo xuduudda Itoobiya, ololihii 1935 markuu Talyaaniga ku duulayay Itoobiya. Magacyada tuulooyinka tre cento, iyo cento quindice iyo Garziani, dhammaan waxay la xariiraan jidkaas xadiidka ah oo lahaa ujeedo military, si loogu duulo oo loo qabsado Itoobiya.
Sida sawirka ka muuqata “L’ albergo di Villabruzzi nel 1938 Hotela
Villabruzzi, 1938 “, waxay ahayd meesha la siixin jiray martida Jowhar timaadda.
Khadka Xamar ka yimaada, wuxuu ku dhammaan jiray Jowhar

Luigi Amedeo, duca d’Abruzzi, wuxuu ahaa aasaasihii Iskaashatada Beeraleeyda Talyaaniga, oo markaasi
degay magaalada Jowhar, Iskaashatadaasi waxay ahaayeen ama ka koobnaaayeen 200 boqol oo reer oo leh kaniisad, warshado, beero, guryo iyo magaalo dhan . Waxaa kaloo jiray Sinima, meelo cawaysi ah, iyo garoomo isboorti. Hadda wuxuu ku aasan yahay qabuuraha webiga jiinkiisa ah ee Jowhar. Wuxuuna ka tagay, markuu geeriyooday 1933, gabar Somaliyed oo la dhihi jiray “Faduma Cali” oo qurux badneyd.
Cabdulqadir Abiikar Xuseen
Email:qaadir.abiikar@hotmail.co.uk
—————————–
Cabdulqadir Abiikar waa cilmi baare, qoraaladiisa ay ku soo baxaan degalka WardheerNews
Mahad Celin:
Sawirrada qaar waxaan ka helay Fanax Cli iyo Amina Axmed (Facebook). Waan u mahad celinayaa.
Bibliography:
- Del Boca, Angelo. Una sconfitta dell’intelligenza. Italia e Somalia. Laterza Editore. Bari, 1993.
- Marra, A. Trasporti e comunicazioni dell’Impero. Unione editoriale d’Italia. Roma, 1940
- Tripodi, Paolo. The Colonial Legacy in Somalia. St. Martin’s P Inc. New York, 1999.
Leave a Reply