W/T. Dr. Khadar Jama
Xamar iyo Xalab labaduba xanuun leh. Xalabeey kumaan ilaawin, laakiin xorbaan ahayn ee xaal qaado.
Xubnihii jidkaygoo
Middi lagu xafsiiyaa
Xalab iiga dhigantahay
Xeeli waa halkeedee
Xoog aan u fidiyiyo
Xoolo aan ku deeqana
Xamar baan ka joogaa
Iyadana xasuuqiyo
Xinjiraa ku daatoo
Xasilooni kuma ogi
Marka aan xoroobee
Xamar soo biskootee
Xaafuun dadkeediyo
Xudur ay midoobaan
Aniguna xanuun kaan
Ka xuub siiban doonaa
Adiguna xurmayn iyo
Xaal wada socdaad heli
W/T. Dr. Khadar Jama
Email: shareeco30@yahoo.com.
Leave a Reply