Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Xaflad Lagu Maamuusay Qoraa Sare Dr Maxamed daahir Afrax

Xaflad si heer sare ah loo soo abaabulay oo lagu maamuusayay in lagu soo bandhigo haldoorkii xilligaan, ayna ka soo qaybgaleen Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyeyaal, aqoonyahanno, abwaanno, qorayaal, ururada bulshada rayidka ah iyo dhallinyaro aad u badan ayaa habeenkii xalay ahaa oo taariikhdu ku beegnayd 16/11/20120, ayaa waxay ka dhacday Hotel Maa’ida (Ex Naasa-hablood 2) ee magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii xafladdaas oo aad loo jeclaystay ayaa ahayd middii ugu qiimaha badnayd oo ay soo abaabulaan bahda Haldoor. Furitaankii xafladda ka dib waxa halkaasi lagu daawaday Filim ka hadlayay “waa kuma Haldoorka caawa?” Filimkaas oo si aada loola dhacay ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaybo ka mid ah taariikhda, waxqabadka iyo guusha uu haldoorku ka gaaray dhinaca qoraalka iyo sida naf-hurnimada ah ee uu had iyo goor ugu heelan yahay hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.

Filimkaas oo qof walba soo jiitey ayaa waxaa ka soo dhex-muuqday buugaagtii uu haldoorku qorey sida: Maana-faay, Galti Macruuf, Dal Dad Waayay iyo Duni Damiir Beeshay, Maadeys, Durbaan Been ah & buugaag kale oo uu haldoorku ku qorey afka Carabiga. Sidoo kale filimkaasi waxaa uu sawir qurux badan ka bixiyay nafhurnimada haldoorka iyo sida ay uga go’an tahay inuu mar walba u taagnaado daryeelka, ilaalinta iyo horumarinta afka, dhaqanka, suugaanta, Iwm.

Markii si fiican loo daawadey waxtarka haldoorkaas ayaa coddeeyihii filimkaas waxa uu Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay magaca Haldoorkii 5-aad ee taxanaha barnaamijka Haldoor, kaasi oo loo aqoonsadey Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax.

Hal mar ayaa la wada istaagay, Sacab ayaa is qabsadey hoolkii ay xafladda ka dhacaysay, waa u qalmaa, waa istaahilaa, waa mudan yahay, Allaylahee waa la helay iyo ereyo kale oo la mid ah ayay ku dhawaaqayeen bulshadii halkaas ku sugneyd.

Iyada oo la galbinaayo ayaa Haldoorkii 5-aad la geeyay Masraxii ay xafladdu ka dhacaysay, waa la cimaamadey, si cajiib ah ayaa loo caleema-saaray, haddiyado isugu jirey Kitaabka Quraanka, Calanka Soomaaliya, Shahaado Sharaf, Ubax iyo Qalin ayaa la guddoonsiiyay Haldoor Maxamed Daahir Afrax.

Hadal uu halkaasi ka soo jeediyay haldoorkii Duubka loo xiray ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in loo garto haldoorkii 5-aad, waxaana uu cadddeeyay in aanu fileyn in isaga la cimaamadi doono, isaga oo u mahadceliyay bahda Haldoor.

Wasiirka Arimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Haweenka Xildhibaannad Xaniifa Maxamed Ibraahim, Xildhibaan Sakariye Maxamud X. Cabdi, Xildhibaan Xaawo Yuusuf, Agaasimaha Arimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Maryan Aadan Amiin, Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Xirsi Dhuux, Guddoomiyaha Degmada C/casiis Marwo Ubax-Roodo,Guddoomiyaha barnaamijka Haldoor Dayax Axmed Maxamed,  Guddoomiyaha ururka dhallinyarada G/Banaadir, Cabdi-kaafi Makaraan, Gudoomiyaha Nusoj Md. Cawil & masuuliyiin kale oo xafladdaasi ka hadlay ayaa u hambalyeey haldoorkii lala caweynayay.

Masuul walba oo ka hadlay fagaarahaas ayaa si kalgacal leh u bogaadiyay Haldoorka la cimaamadey ee Maxamed Daahir Afrax, iyaga oo qirey in Dr. Afrax uu u qalmo wax walba oo la isku sharfo.

Aqoon, dadaal, dulqaad, daacadnimo, hal-abuur, karti & ilaalinta Afka Hooyo iyo hal-abuurkiisa ayaa Dr. Afrax lagu siiyay biladda muujinaysa Haldoorka xilligaan.

Xalay oo aheyd habeen taariikhi ah, waxa ay noqotay habeen qaali ku ah ummadda Soomaliyeed oo la xasuusnaan doono maadaama ay dhacday xaflad ballaaran ah lagu cimaamadey haldoorkii xilligaan, hambalyo haldoorka guuleystay!

Xigasho: AGA


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.