Xaaladda Magaalada Jigjiga oo u Muuqata Mid Faraha ka Baxday

Xaaladda Magaalada Jigjiga oo u Muuqata Mid Faraha ka Baxday

Wararka aan ka helayno magaalo madaxda Ismaamulka Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga ayaa sheegaya in amarkii iyo kala dambeyntii meesha ka baxday, magaaladuna ku sugantahay gabi ahaanba xaalad fawdo ah. Magaalada Jigjiga ayaa hadda u eeg goob dagaal, waxaana ka socda dibadbaxyo rabshado wata, burburin hanti iyo bililiqo xooggan.

Waxaa magaalada hadheeyay nacaybka loo qabo Ra’iisalwasaare Abiy Axmed iyo qawmiyadda Oramada iyadoo dadku ay bartilmaameedsanayaan hantida Oromadu ku lahayd magaalada. Goobaha la bililiqaystay ayaa la sheegayaa in uu ka mid yahay Bangi Oramdu leedahay iyo goobo ganacsi oo kala duwan iyo xafiisyadii dawladda qaarkood. Arrintan ayaa timid ka dib markii saaka ay magaaladu ku waabariisatay ciiddamada Federaalka oo la wareegay dhammaan goobaha muhiimka ah ee dawladda.

Lama sheegin ilaa hadda wax dhimasho ah oo ka dhashay rabshadahan. Madaxweyne Cabdi Ilay oo warar iskhilaafsani ka soo baxayeen waxa uu ku suganyahay ayaa hadda wararku tibaaxayaan in uu ku suganyahay xero ay ciidamdiisa Liyuu Booliisku ku leeyihiin magaalada Jigjiga.

Ma cadda sababta xilligan keentay in ciidamo Federaal ah la wareegaan magaalada.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco WardheerNews.